Cabdiraxmaan Cirro Oo Ka Jawaabay Halka uu Madaxweyne Siilaanyo Kursiga Ku Saaray

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka jawaabay su’aal barayahanba wax layska waydiinayay taas oo ka dhalatay khubad uu u jeediyay taageerayaashiisa dalka Ingiriiska.

Cirro ayaa isaga oo la hadlaaya taageerayashiisa waxa uu sheegay in ay kursiga saareen madaxweyne Siilaanyo, iyada oo la ogaa inuu intii ay asxaabtu jireenba uu Cabdiraxmaan Cirro ka tirsanaa xisbiga Ucid kadiba uu aasaasay xisbiga Waddani.

IMG_E4F1F2-DF66C2-394A6B-D05B8B-148BF7-1F2810

Cabdiraxmaan Cirro oo warbaahintu waydiisay halka uu kursiga ku saaray madaxweyne Siilaanyo waxa uu yidhi “Anigu shan doorasho ayaan joogay Somaliland afarna Ucid ayaan u codeeyay midna Waddani, waxaanan taas ula jeeday waad ka warqabtaan oo baarlamaanku waxa uu ahaa mucaarid is kaashaday oo ahaa Kulmiye iyo Ucid baarlamaankuna doorbuu ka qaatay in aan doorashooyinka dib loo dhigin, waxaanan is leeyahay mucaaradada baarlaamka ee aan hogaaminayay waxay sabab u ahayd in uu soo baxo Siilaanyo iyo xisbigiisu, laakiin anigu Kulmiye kama tirsanayn mana dooran umana codayn.”