Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixi oo Safar ujeeddooyin kala duwan xambaarsan ugu baqoolay Dalka Itoobiya

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka Haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shalay si wada-jir ah ugu socdaal ujeeddooyin kala duwan xambaarsan ugu kicitimay dalka Itoobiya.

gudodomiyeyaashMa jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Ujeeddada socdalka labada guddoomiye oo shalay ka amba-baxay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, masuuliyiintuna kama hadal waxa uu daarran yahay socdaalkoodu, haseyeesheee ilo-wareedyo si dhow ula socday socdaalka labada masuul, ayaa noo xaqiijiyey in socdaalkoodu isugu jiro arrimo siyaasadeed iyo mid gaar ahaaneedba.

Ilo-wareedyada aanu soo xigannay, waxa ay intaas ku dareen inay labada guddoomiyo kulamo la qaadan doonaan masuuliyiin aan la carrabaabin oo ka tirsan dawladda Itoobiya iyo marti-qaad ay ka heleen maamul mid ka mid ah jaamacadaha ku yaala magaalada Hargeysa, balse xaruntooda koowaad ku taalo Addis Ababa, halkaas oo ay kaga qayb-geli doonaan munaasibad qalin-jabin ah oo ay qayb ka yihiin arday reer Somaliland ah oo dalka Itoobiya waxbarasho u joogta.

Safarka labada guddoomiye ujeeddooyinka kala duwan ugu baqooleen magaalada Addis Ababa, ayaa ku soo beegmay laba maalmood ka dib markii ay dawladda Itoobiya shaaca ka qaadday inay dib-u-furtay xuduudka ay la wadaagto Somaliland oo muddo bilo ah u xidhnaa sababo dhinaca ammaanka ah.

Waa markii labaad muddo bil gudaheed ah oo labada guddoomiye ay si wada-jir ah u wadaagaan socdaal dibadeed ugu baxaan waddamada deriska ah, waxaanay sidan oo kale dabayaaqada bishii hore si wada-jir ah safar ugu baxeen dalka Jabuuti oo ay kaga qayb-galeen munaasibad loo sameeyey Meherka gabadh uu dhalay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo masuuliyiin labadoodu ka mid ahaayeen marti-qaad u fidiyey.

SOMALILANDPOST.NET