Cabdiraxmaan Cadami oo Dhaliilay Go’aanka Madaxweynuhu Ha’yadda waddooyinka ku hoos geeyay Madaxtooyada

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyihii hore ee Ha’yadda shaqaalaha Dawladda ee Xukuumaddii UDUB Md. Cabdiraxmaan Cadami ayaa soo dhaweeyey digreetooyinkii madaxweynuhu ka soo saaray gacan-ku-haynta hantida Qaranka oo uu tilmaamay inay wax weyn ka tarayso dhibaatooyinka iyo boobka loo geystay hantida Qaranka.

Md Cabdiraxmaan Cadami waxa uu tilmaamay go’aanka madaxweynaha ku hay’adda waddooyinka ku hoos geeyey madaxtooyada mid looga danleeyahay in lagu kasbado dhaqaalaha lagaga dhawaaqay shirkii dalalka Qaadhaan-bixiyeyaasha iyo hay’adaha Qaramada midoobay ku yeesheen magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Cabdiraxmaan Cadami oo maanta u Warramay Wariye Cabdifataax Mursal oo ka tirsan telefishanka Bulsho, waxa uu isaga madaxweynaha ku ammaanay la xisaabtanka uu ku qiimaynayo Golihiisa Wasiirrada iyo hay’adaha ay uga wakiilka yihiin.

 “Habkan immika madaxweynuhu uu wasaaraddaha kala duwan ula xisaabtamaayo waanu soo dhaweenaynaa oo way wacan tahay inuu Wasaaradihiisa la xisaabtamo oo uu waydiiyo waxay qabteen iyo Ha’yaddaha kale ee dawlada, balse waxa weeye in lagu shaqeeyo habka ay dawladdaha adduunku u shaqeeyaan oo loo saaro Guddi uu Madaxweyuhu u yahay Guddoomiye oo dabagal samaysa,”ayuu yidhi Mr Cadami.

Md. Cabdiraxmaan Cadaami waxa uu dhaliilay Madaxweynaha Somaliland uu Ha’yadda waddooyinka uu ku hoos geeyay  Wasaarada Madaxtooyada, isaga oo sababta wasaaradda hawlaha Guud looga hoos saaray ku sifeeyey qorshe madaxtooyada dhaqaale loogu samaynayo, “Arrinta waddooyinka, markii hore Ha’yada waddooyinku sidadban ayey u hoos tagi jrtay Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guriyeynta. Immikana waxa loo soo wareejiyey Wasaarada Madaxtooyada, maaha arrin bannaan oo shirarkii Caalamiga ahaa ee ka dhacay dalka Turkiga ee Magaalada Istaanbuul waxa heshiishkaas ku lifaaqnaa  mashaariic iyo dhaqaale horumarineed wakhtiga ay ku haboonaato oo ay ka mid tahay waddooyinka. Waxa suurta gala in halkaas uu Wakaaladda dhaqaale uga yimaaddo Madaxtooyada,” ayuu yidhi Mr Cadami, waxaanu intaas ku daray, “Sabab kale oo Wasaarada looga duway majirto ayaan u arkaa oo la doonaayo in dhaqaalaha la hoos geeyo Madaxtooyada.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net