Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ka warramay Xaaladdiisa Caafimaad iyo waxa u qorshaysan ka dib markii Jug dhabarka ka gaadhay (MUUQAAL)

Hargeysa, 15 April, 2012 (SLpost)- Guddoomiye ku xigeenkii Labaad xisbiga KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaaddir oo cusbitalka loo cararay ka dib markii ay jugi ka soo gaadhay dhabarka wakhti ay maanta Askar ka tirsan ciidamada Ammaanku ay khasab kaga saareen Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo Xilka lagaga xayuubiyey, ayaa ka warramay Xaaladdiisa Caafimaad.

Cabdiraxmaan Cabdi-qaadir oo isaga oo ku sugan Cusbitaalka Al-Xayaad ee Magaalada Hargeysa oo Daryeel Caafimaad loo geeyey u warramayey Telefishanka Horn Cable, waxa uu sheegay inuu ku soo kacdoomay nabar hore uga gaadhay dhabarka isla markaana uu dhawaan u bixi doono dhakhtar dibadeed.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ahaa Guddoomiye-ku-xigeenkii 2aad ee Xisbiga Kulmiye ayaa manta xilkii lagaga Xayuubiyey Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga oo maanta magaalada Hargeysa ku soo gebo-gaboobay, waxaana lagu beddelay Xildhibaan Maxamed Waabeeye oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada ugu jira Xisbiga Kulmiye.

SomalilandPost News

contact@somalilandpost.net