Cabdirashiid MS Ducaale Oo Sharraxay Doorka Shirkadda Dahabshiil Group Ka Qaadato Taakulaynta Bulshada

 

Hargeysa (SLpost)- Maamulaha Guud ee Shirkaddaha Dahabshiil Group Md Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale ayaa faahfaahin ka bixiyay doorka shariifka ah ee Shirkadaha Dahabshiil ka qaataan taakulaynta bulshada xilliyada ay jiraan dhibaatooyinka sida fatahaadda daadadka, abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee bulshada la soo dersa.

Maamulaha Guud ee Shirkaddaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale

Mudane Cabdirashiid Dahabshiil oo qayb ka ahaa barmaamijka Bandhigga VOA oo ku saabsana doorka hay’adaha iyo shirkadaha gaarka ah ay kaga jiraan, gargaarka bani’aadannimo ee goobaha ay ka howlgalaan wuxuu sheegay in ay kaalin wax ku ool ah ka qaataan, islamarkaana la dareen yihiin bulshada mar kastana safka hore ka galaan taakulaynta iyo gurmadka la fidinayo.

Marka dhibaatooyin dhacaan lama oga oo lama sii qorsheeyo in sanadkan fatahaadi khasaare intaas leeg keenayso ama abaari taas ma sii cabirno ama ma sii qiyaasno ee marka dadka dhibaato soo gaadho haddii aanu Dahabshiil nahay go’aan baanu qaadana anaga oo eegayna hadba baahida taalla iyo halka ay ka jirto, mar walbana waxaanu tixgelina umadda dhibaataysan halka ay joogaan anaga oo aan qabiil eegaynin, siyaasad eegaynin waxaanu mar walba ka shaqayna dadkaa dhibaataysan waayo dhibaatada dadka soo gaadha way saamaysa, tusaale bal ka waran qof  xanuunsanaya ama daad ku dhacay oo gurigiisii waayay ama gabadh qoys ah oo caruurteedii dhibaato soo gaadhay, dad xanuunsanaya ama dad gaajoonaya, marka aanu arrimahaa eegno ee wakiilladayada dalka gudihiisa jooga warbixintaa na soo siiyaan, Dahabshiil ahaan dhibaatada dadka soo gaadhay waa wax anagana na soo gaadhay waayo umadda ayaanu u shaqayna, taas ayuu magacayagu ku xidhan yahay sidaas ayay tahay in markasta xoog iyo waxaanu awoodnaba ka qaadano,” Sidaas ayuu yidhi Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group.

Md Cabdirashiid Dahabshiil waxa uu intaasi raaciyay siyaabaha shirkaddu u bixiso taakulada “Dhibaatooyinka qaarkood wakiilladayada iyo shaqaaluhu iyaga lacag iska ururiya oo ka qayb qaata shirkadduna gaarkeeda ayay uga qayb qaadata,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Dahabshiil oo tilmaamay in arrimaha samafalka ee shirkaddu ka qayb qaadato aanay ku jirin Sakada oo ay iyadana bixiso taas oo aanay wax faahfaahin ah ka bixin maaddaama ay waajibaad saaran tahay.

Maamulaha guud ee Dahabshiil waxa uu sheegay in siyaabaha ay uga qayb qaataan tabarucaadka ay ka mid tahay in ay adeegyada ay bixiyaan ka dhigaan lacag la’aan, “Anagu marka aanu aragno dadka dhibaatadu gaadhay oo laga yaabo in qaarkood macaamiishayada yihiin qaarna aanay ahayn ba, markaas ayaanu go’aan qaadana siyaabaha aanu uga qayb qaadana waa in aanu lacag kaga qayb qaadano, mashaariic kaga qayb qaadano, mararka qaarkoodna adeegga aanu bixino aanu bilaa lacag uga dhigno, hay’adaha qurbaha ee Soomaalida iyo dadka qurbejoogta ah ayaa lacag soo dira oo Dahabshiil soo mariya, boqol iyo dhawr iyo labaatan waddan ayaanu Adduunka ka shaqayna oo Dahabshiil ku leeyahay meel lacagaha laga soo diro dhammaana bulshadu way soo marisa lacagta waanan ku dhiiri gelina in ay bulshada caawiyaan. Dad badan oo dhallinyaro ah ayaa qurbaha jooga oo is xilsaara marka ay arkaan dhibaato gaadhay bulshadooda oo dadaala oo lacago ururiya dee khasab marka ay noo yimaaddaan wixii aanu la qaban karayno waanu la qabana,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Maxamed Siciid.

 

Somalilandpost.net
somalilandpost@live.com
editor@somalilandpost.net
Hargeysa, Somaliland