Cabdicasiis Samaale oo markii ugu horreysay ka hadlay Xilka Cusub ee loo magacaabay, Masuuliyaddii uu hore umadda ugu hayey iyo Shakhsiyadda Wasiirka uu xilka kala wareegayo

Hargeysa, 17 March, 2012 (SLpost)- Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dareenkiisa ku aaddan xilka loo magacaabay, isbarbardhigga xilka cusub iyo masuuliyaddii uu hore u hayey.

Md. Samaale oo khudbad ka jeediyey golaha ka hor intii aanu goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixin xilkiisa wasiirnimo, waxa uu xusay in xilka loo magacaabay uu mansab ahaan ka hooseeyo masuuliyaddii uu hore u hayey, balse uu ku aqbalay xilka cusub maadaama, sida uu sheegay, looga maarmi waayey, “Xilka la ii magaacabayna waxaan u ahaysta inuu ka hooseeyo kii hore ee aan hayey, hase-yeeshe xil lagu gartay iyo masuulidyad lagu gartay oo lagaga maarmi waayey. Waxaad ku khasbantahay inaad aqbasho sidaankii horeba aan illahay dartii aan ugu hayey ayaan kaa danbana illahay dartii u aqbalay, waxaana illahay ka baryayaa in illahay ii fududeeyo,” ayuu yidhi Wasiirka Cusub ee Maaliyaddu.

Wasiir Samaale waxa kale oo ammaan u soo jeediyey Wasiirka uu xilka kala wareegayo Md. Maxamed Xaashi Cilmi oouu ku tilmaamay shakhsi ay walaalo yihiin oo hawshiisa ka soo baxay, isaga oo ka hadlaya waxa uu yidhi, “Wasiirkii iga horeeyay xilka waxa uu ahaa Wasiir aanu wallaal-nahay oo aan xilkaas ku amaanayo ayuu ahaa, waana ka xumahay in anigu aan noqdo shikhsigii isaga beddelilahaa.”

Sidoo kale, waxa uu Md. Samaale uu dareen adag ka muujiyey culayska uu leeyahay xilka loo magacaabay isaga oo ballan-qaaday inuu xilkiisa si daacad ah u gudan doono isla markaana uu xidhiidh fiican kula shaqayn doono Golaha uu ka tirsanaa, Golaha Guurtida iyo Shacabka Somaliland-ba, “Waxaan naftayda iyo naftiina xasuusinayaa waa xil culus oo aad iyo aad u culus oo sanawaadka iyo dhulkaba ku culus, lakiin bila’aadanku uu qaado jahli iyo dulmi uu ku sugan yahay awgeed, waxaan illahay ka baryayaa inaynu noqono kuwa xilka ay khadaan inay illahay dartii ay ugutaan oo waxaan balan qaadayaa inaan Golaha aan ka tirsanaa inaan siwacan ula shaqayn-doono iyo Golaha guurtidaba, Ummadda reer Somaliland-na waxaan ugu shaqayn doonaa sidaacada xilkaas lay magacaabayna waxaan ugu shaqayn doonaa sidaacada inta awoodayda ah,” ayuu yidhi Md Cabdicasiis Maxamed Samaale ka hor intii aan codka loo qaadin ansixinta wasiirnimadiisa wakhtigaas oo intii ay Codayntu socotay uu golaha dibadda uga baxay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net