Cabashooyin ka taagan xafiiska Cashuuraha Berriga Burco

Burco(SLPOST) Wasaarada maaliayada waliba Waaxda cashuuraha Beriga ee Gobolka Togdheer  ayaa beryihii ugu danbeeyay  Hoos u dhac dhinaca dakhliga ahi soo wajahay sababo dhinaca shaqada ah awgeed ,

Xafiiska Maaliyada

kadib intii Maamulahha Cashuuraha Bariga ee Gobolka togdheer C/risaaq  Jaamac Maxamed uu maamulka ka ahaa, isla markaana  aad arkayso iyadoo aanu Maamulaha Xafiiskaasi sooba shaqo tagin xilIyada shaqada iyadoo dadwaynaha Adeega usoo doonta iyo shaqaaluhuba ka war dhawraan inuu bal mar uun yimaado Maamulaha cashuuraha Berigu.

“ waa kaas oo ma soo toosin intuu doono ayuu maqnaadaa cidna waxba kama qabanayso,  hal mar ayaa la bedelay oo sadex cisho oo kaliya ayuu maqnaa, waxaanu waliba ku faanay waxba hays daalinina waan soo noqonayaaaye” sidaas waxa yidhi mid ka mid ah shaqalaha wasaarada Maaliyada oo magaciisa ka gaabsaday.

Caaqil Maxamed Saleeban oo xarunta cashuuraha beriga horteeda ku sugan oo ka hadlay maamul xumida cashuuraha bariga ayaa waxa uu yidhi” meeshani waxay u baahan tahay qof wax garanaya oo hawl-kar ah.”

Sidoo kale wasiiru dawlaha Wasaarada maaliayada Mudane Cismaan C/laahi saxrdiid oo shaqaalaha iyo madaxda wasaarada dhawaan isugu yeedhay si uu ugala hadlo dakhliga casuuraha oo hoos u dhacay oo maraya halkii ugu hoosaysay ayaa aad u canaantay maamulka cashuuraha bariga, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Burco waa caasimadii labaad ee dalka in dakhligeeda cashuuraha berigu hoos u dhaco maxaa sababay, waxaanu maamulaha casuuraha beriga kala hadlay inuu dar-dar geliyo dhakliga.

isku soo wada Duuboo maamulaha cashuuraha Berigu waa masuulkii koowaad ee inta xilka laga qaado hadana sadex casho oo kaliya  ka maqnaada ee lagu soo celiyo iyadoo waaxda cashuuraha berigu tahay isha ugu muhiimsan ee dhaqaale isla markaan ay soo wajahday hoos u dhac dhinaca dakhliga ahi.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland