Cabasho ku socota Taliyaha Booliska Somaliland

 

Mudane Taliye waxaa isa soo taraysa cabasho badan oo shacabka Somaliland ka qabaan booliiska,si-gaara waaxda baadhista ee saldhigyada booliska.

Taliye, waxaan kusoo jeedinayaa inaad dabagal buuxa ku sameyso saldhigyada booliska caasimada Hargeysa, madaxyada danbi baadhista ee casimadu waxay ku dhex milmeen dacwadaha dhulka, waana meelaha cadalada booliska oo ah in ay kiisaska baadhan ay had iyo jeer ka qaloocatay iyogoo shacabka ula dhaqma in ay kusoo eedeyaan criminal halka ay jiraan iney si caddaalada kiisaska u baadhan.

Waxaad toos u arkeysa laba muwadin oo dacwadi ka dhaxayso iyagoo isticmalaya power waliba raacaya hadba kii xaga jeebka ku roonada.

Taliye shacabku aad ayay adiga kaga mahad sheganayaan lakiin waxaa laga codsaayaa inaad reform ku sameyso madaxyada danbi baadhista saldhigyada oo aad usoo xusho dad ilahay ka cabsanaya aana lahayn wax balwada taas keliya aaaya wax ka bedelaysa , shacabku waxay ka sugayaan inaad si degdega howlaha wax uga qabato.

Alla Mahad leh
Mukhtar Miigane