Cab, Farriin Dir oo Ku Guulayso

 

 

Hargeysa (SLpost) Shirkadda Sharaabka ee Somaliland Beverage Industries (SBI) ayaa soo  bandhigtay barnaamij macmiisheedda ku guulaysta uu heli doono abaalmarinno kala duwan oo qaali ah, taas oo toddobaad kasta ay soo bandhigi doonto.

Maamulka shirkada ee dhinaca suuq geynta Maxamed Naasir Cali oo shirjaraa’id ku qabtay Xafiiskooda magaalada Hargeysa, ayaa sharraxaad ka bixiyey Barnaamijkan  ay SBI  ugu magac dartay Cab oo Dir farriintaada, islamarkaana Barnaamijkani uu ku cusub yahay dunida,waxaanay shirkaddu ugu talogashay inay macaamiisheeda ugu  mahad celiso islamarkaana ay abaalmarinno bakhtiyaa nasiiba ku bixiso.

Barnaamijkani waxa uu si toos ah u bilaabmay shallay(Sabti), Maxamed Naasir Cali oo sharaxaad ka bixinaya wakhtiga nasiibkan waxa uu yidhi “Waxa aannu ugu talo galnay shirkeena jaraa’id in aanu ku soo bandhigno barnaamij ah barnaamijyadii ugu weynaa shirkadaha Somaliland dhamaantood marka la isu geeyo soo bandhigaan, kana mid ah barnaamijyadiisa joogtada ah ay shirkada SBI usoo bandhigi jirtay macmiisheeda sharafta leh. Iyaddoo had iyo jeer looga bartay shirkada SBI mar walba ee macmiisheeda lacagaha ay ka hesho ay qayb ka mid ah ay dib ugu celiso, waxad hore uu soo ogaydeen barnaamijkii bishi Ramadanta ee lagu caawinayey agoomaha iyo dadka baahan, waxa kale oo hore u soo aragteen barnaamijka football sha ee dhalinyarada koobkii adduunka sanadki 2014 lagu daawadsiinayey.

Markana waxay si khaas ah ugu talo gashay macaamiisha sharaabka caba  oo aannu doonayno inay ka helaan abaalmarino aad u wanaagsan, barmaamijkaa magaciisa waxa la yidhaa cab oo fariin dir ka dibna ku guulayso,waana laba qaybood qayb bakhtiya nasiib ah uu ku heli doono numbarkiisa, iyo qayb maalin kasta uu heli doono, abaalmarinta waxay u dhigan yihiin labaatan kun oo jaa’isood oo qofkii sharaabka caba ee fariinta dira uu heli doono mid ka  mid ah abaalmarintaasi, barmaamijkan cab oo ku guulayso waa markii ugu horeysay ee aduunka laga sameeyo oo uu ka hirgalo dalkeena Somaliland, barnaamijkan waxyaalaha lagu guulaysan doono waxa ka mid ah baabuur qaali ah, shan boqol oo dollar oo qofka wax kaga soo iibsan doono supermerketadda waaweyn uu wax kaga soo iibsan karo, LABTOP-yo, Telefoonada casriga ah Smart phone iyo jaaa’iso yaryar oo badan, qofka cabaya ku raaxaysto qofka cabaya si aad u hesho gaadhi iyo qalab kale oo muhiim ah” Ayuu yidhi Maxamed Naasir Cali

Isaga oo sharaxaya sida uu qofku u furayo furka ee uu bakhtiyaa nasiibka u helayo waxa uu yidhi “Barmaamijkan marka uu iibsado sharaabkan wuxuu furi doona furka, furka hoostiisa waxa uu ka heli doona number toban ka kooban waxaana uu ku soo diri karta numbarkan 944, fariin bay ku soo celinaysa, jaa’isado maalin kasta lagu guulaysanay oo aad ka dooran kartid meesha kugu dhow, isla markaan fariintii aad dirtay waxay ka qaybgalaysa bakhtiyaa nasiib toddobaadkiiba hal mar la samayn doonno oo lagu heli doono ja’iisado waaweyn, marka la samaynayo way ka soo qaybgali doona dadwynuhu si ay u arkaan qaabka loo samaynayo bakhtiyaa nasiibka, fariinta la diraya waa lacag la’aan, mar kasta oo sharaab badan cabto mar kasta oo fariin badan dirto waxa ad u dhowaynaysa inaad ku guulaysato bakhtiya nasiibka”

Eng: Cabdi Xuseen oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi; “Numbarku wuxuu ka kooban yahay toban number, waxa uu iskugu jiraa numbaro iyo xarfo, waxa muhiim ah in shanta number ee ka sareeya ku horeysiiso; shanta number ee ka hooseeya ku xigsiiyo fariintaasi sax bay noqonaysa, qofna yaanu iskaga mashquulin sharaab aanu cabin inuu fariin ka soo diro waa la ogaanaya numbarkaaga waa la joojinaya, laga bilaabo sabtida (Maanta) si toos ah ayuu u bilaabmayaa barnaamijkani.”

Shirkaddan SBI oo badiyaaba samaysa bakhtiyaa nasiib ay bulshada sharaabkooda cabta ugu abaal gudayaan ka qabta gudaha Somaliland. Waxa kale oo ay qabataa barnaamijyo khayri ah oo aan ka xusi karno barnaamijyo taxane ah oo ay qabato bisha Ramadaan laguna caawiyo agoomaha iyo dadka jilicda san.