“Caawa Hadaan Dhinto Aniga Oo Aad Iyo Aad U Mabsuuda Ayaan Dhimanayaa, Waxaana Weeyaan Markaad Dadkaagii Is-fahamtaan” Prof Axmed Ismaaciil Samatar.

Hargeysa (SLpost)- Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa  khudbad qiimo badan u jeediyey Xildhibaanada Golaha deegaanka Caasimada Hargeysa, taas oo isugu jirtay dhiirigelin, hoga-tusaaleyn iyo guubaabo.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu sidaa ku sheegay mar uu doraad ka hadlayey Casuumad-qado sharafa oo ay mudanayaasha Golaha deegaanka Caasimada Hargeysa ku maamuseen.

samatarProf Axmed Ismaaciil Samatar ayaa waxa uu sheegay isaga oo ay wejigiisa ka muuqato farxad baddani haddii uu caawa dhinto inuu mabsuud yahay, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Caawa hadaan dhinto aniga oo aad iyo aad u
mabsuuda ayaan dhimanayaa,waxaana weeyaan markaad dadkaagii is-fahamtaan horeba waynu isku fahamsanayn ee meelo yar-yar ayey mushkiladi ka taagnayd,laakin waxaan ahaan qof wixii itaalkayga ah amaanta soo jeediya iyada oo aan waxba lagu dar-darin, oo aanay munaafaqnimo ku jirin wixii dhimana aan farta ku yara fiiqo, laakin waxaynu isku diidanayn Siyaasada arrimaha dibada iyo Aqoonsiga, waayo waxaan rajo ka qabay inay Soomaali wax garato oo ay fahamto qaddiyadeena (Somaliland), oo haddii la keeno waa-waan iyo Xisaab cusub oo ka duwan wixii ina khalday 50-kii sanadood ee u danbeeyey,taas waa laynala garan-waayey”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Laakin waxa mahad iska leh ILAAHAY, inaan ku soo noqdo waddan dhisan iyo dad dhisan oo edeb leh, oo naxariis baddan, oo marti-qaadkooda iyo dadnimadoodu ay aad u heer sareyso, markaa aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, waxaanad wakiil ka tihiin Sadexda malyuun iyo badhka ay shacabka Somaliland ka kooban yihiin inta gudaha waddanka ku nool hadaanay kaba badnayn, marka kuwa dibada joogana lagu darro,”

Haddii aynu nahay reer Somaliland waxaynu ku jirnaa tartan, “Haddii aynu nahay reer Somaliland waxaynu ku jirnaa tartan, oo waxa laygu lahaa Puntland waxa ka dhacday Doorasho,….tartan ayeynu kula jirnaa Soomaalidi kale, inagaana (Somaliland) ugu ladan wixii la odhan jirey Jamhuuriyadii Soomaaliya,taasina waxay markhaati ka tahay taariikhda dadka, harqada dadka ee tayada dadka, qalbiga iyo maskaxda taala Somaliland ayaa taana lagu keenay, sidii loo xejin lahaa oo weli wax ayaa innaga dhiman oo deegaanadeeni meelo ayaa maqan, sidii loo celin lahaa ee loo soo jiidi lahaa inay timaado oo ay siyaasadeedi timaado”/Ayuu yidhi Prof Axmed Ismaaciil Samatar.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Markaa waxaad tihiin madaxdii waddanka oo waxaan u baddan tihiin dad dhalinyaro ah oo waxaan idinku adkeynayaa aynu isla ogaano, intayada dibada joogtaana sidaas ayaanu u faafinaynaa, laakin waxaanu faafin karnaa waxa gudaha (Somaliland) yaala, haddii kale been ayaanu abuuri, aynu isla ogaano Cadaalad iyo Karti,haddii aynu labada isla ogaano waxaynu ka bixi qabiil,xinka kale ayeynu ka bixi, doqoniimada aad ayeynu isaga sii yareyn oo Somaliland intan iyo in ka sii weyn ayey noqon doontaa”

SOMALILANDPOST.NET