BUUR IYO BANNAAN: Madaxweynaha oo isu Maray Deegaannada u dhexeeya Wajaale ilaa Baligubadle iyo Soo-dhawayntii Shacabku ku qaabileen (SAWIRRO)

Baligudbadle (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal loogu magac-daray BUUR iyo BANNAAN maalintii labaad ku galaa-bixinaya deegaannada ku teedsan Xuduudka Somaliland la wadaagto Itoobiya, ayaa caawa u hoyday degmada Balligubadle ee gobolka Hawd, kaddib markii uu subaxnimadii maanta safarkiisa ka soo bilaabay degmada Tog-wajaale oo uu xalay u hoyday, isaga oo soo maray deegaanno kala duwan oo uu dhexeeya labadaas degmo.

Warbixin Hoose waxa ka diyaariyey oo weftiga la socda Xoghaynta Xafiiska Saxaafadda ee Madaxtooyada Somaliland Cabdi Naasir Yuusuf Daahir.

IMG_6802“Madaxweynaha ayaa subaxnimadii hawlihisa shaqo ka bilaabay Degmada wajaale oo uu xalay ay u hoydeen weftiga madaxweynuhu isaga oo madaxweynuhu dhagax dhigay Garoon kubada cagta ah oo ay yeelan doonto degmada wajaale, sidoo kalena waxa uu soo kormeeray mashruuca beeraha ee ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland ay ku beerteen banka wajaale oo ay ku leeyihiin beero waa weyn oo ay ka soo go’een dalagyo kala duwan oo uu madaxweynuhu kormeer ku soo maray saaka indhahana ka soo qaaday midho dhalka iyo wax soosaarka ciidamada kala duwan ee jamhuuriyada Somaliland isaga oo madaxweynuhu halkaasi uga soo jeediyey Mahadnaq balaadhan ciidamada kala duwan ee booliiska, Ciidamada Qaranka, Ciidamada Asluubta iyo ciidanka gaarka ah ee ilaalada Madaxtooyada Somaliland oo iyana ka mida ciidamada wax soo saarkooda soo bandhigay.

Ka dibna waxa uu madaxweynuhu uga sii gudbay dhinaca degmooyinka iyo tuulooyinka isaga oo madaxweynuhu banaanka geed balaadh ku sii kormeeray goobjoogna ka ahaa xoolihii halkaasi daaqayey oo ay wasaarada xanaanada xooluhu ku talaalaysay kumanaan xoolo ah oo deeqayey deegaamadaasi.

DSC_0016Isaga oo markii uu gaadhay geed balaadhna xadhiga ka jaray dugsi hoose dhexe oo laga hergeliyey geedbalaadh xadhigana ka jaray xarun caafimaad, saldhig boolis iyo laba fasal oo lagu dari doono dugsigaasi geedbalaadh.

Ka dibna waxa uu madaxweynuhu soo gaadhay, tuulada magaalo farxaan oo madaxweynaha si weyn loogu soo dhaweeyey halkaasi oo uu madaxweynuhu dhagax dhigay dugsi waxbarasho, waxaanu madaxweynuhu uga sii gudbay tuulada taysa oo uu halkaasina ku sii kormeeray 8km oo caro tuul ah loona diyaariyey in laami la saaro oo ay bilow u noqoto wadada Alaybaday iyo Arabsiyo, waxaana madaxweynaha halkaasi ku soo dhaweeyey madaxdhaqameedka gabiley, iyada oo xalaf balaadhana loogu qabtay halkaasi madaxweynaha kana hadleen waxgaradka iyo cuqaasha deegaamadaas, waxaana ugu danbayntii halkaasi ka hadlay wasiirka madaxtooyada oo madaxweynaha hadalka ku soo dhaweeyey, ka dibna waxa looga sii gudbay magaalada alaybaday oo madaxweynaha loogu sameeyey qado sharaf ka horna waxa uu xadhiga ka jaray Guriga martida oo laga hirgeliyey Alaybaday.

Isaga oo madaxweynuhu uga sii galab caraabay deegaamada, Waddo-Makaahiil oo madaxweynaha ay ku soo dhaweeyeen shacab tiro badan oo ay horkacayeen ugaaska guud ee meelaha Makaa’iil, Jiif-caaqilka meelaha Makaahiil, Sheekh Suufi, Sheekh Cabdiqaadir iyo madaxdhaqameed badan oo kale iyada oo uu madaxweynuhuna dhagax dhigay Xarun caafimaad, waxaanu madaxweynuhu goobjoog ka ahaa riig markaasi uun laga taagay wado makaahiil oo uu ka madaxweyne ahaana ugu duceeyey in insha allaa laga gaadho biyo macaan oo shacbigu ka haqab-beelaan.

Iyada oo wakhtigu isa sii guraayey loona sii badanaayey wakhtigii salaada makhrib waxa uu madaxweynuhu soo gaadhay degmada fara-weyne oo si wanaagsan madaxweynaha ugu soo dhaweeyey fardo iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, ayaa madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray giir biyood oo sida sawirada ka muuqda la dhamaystiray degmaduna ka cabto.

IMG_6654Waxaanu madaxwynuhu uga sii baxay degmada Balicabane oo uu madaxweynuhu ku soo beegmay xili habeenimo ah balse ay shacbigu heegan u ahaayeen soo dhawaynta madaxweynaha iyaga caruur iyo cirooleba tubnaa wadada kooneyaasheeda, waxaanu madaxweynuhu dadweynahaasi kala hadlay goob fagaare ah.

Isla wakhtigaasna waxa uu madaxweynuhu ku soo hayday gobolka Hawd oo madaxweynuhu caawa seexan doono guriga martida oo uu isla caawa madaxweynuhu xadhiga ka jaray isaga oo safarkan kii xigay uun madaxweynuhu dhagax dhigay gurigan uu caawa furay.

Safarkan oo ahaandoona mid halkaasi uu madaxweynuhu ka sii anba qaadi doono socdaalkan uu ku soo maridoono guud ahaan xuduudka somaliland ay la wadaagto dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia, iyada oo safarkaasi noqon doono kii uu madaxweynuhu ku soo wada koobay dhamaan dalka intiisa badan iyada oo madaxweynuhu socdaalo kuwan oo kale ah ku soo maray Gobolada dhexe ama laamiga ah ee dalka, kii xigayna uu ku soo kala bixiyey socdaalkii qiimaha badnaa ee la magacbaxay hilaacii xeebaha somaliland hadana uu madaxweynuhu sodaal dheer ku soo maray buuralayda gobolka awgdal iyo degmooyinka iyo gobolada xuduudka Somaliland iyo Ethiopia.”