Nimaan dhul marini, dhaayo la’.
Waxa aan maqaalkan kaga hadli doona wixii aan ku soo arkay mudaddii labada cisho ahayd ee aan tagay magaalo madaxa gobolka Togdheer iyo degmooyinka ku hareeraysan Burco wixii aan ku soo arkay. Inkastoo laba cisho annay ku filnayn qof markii ugu horraysay ay u tahay, laakiin haddana wixii aan ku soo arkay waa wax mudan in la sheego. Waxa aan ka afeef dhiganayaa in wixiii kaftan ah ama dacaayad ah, in aan run loo qaadan. Waa wixii aan Burco markii hore aan ka aaminsanaa. Waayo qof walba meel aannu arkin wax buu ka aaminsanyahay. Xanta noocaas ah wixii ka run ah waan idiin soo gudbin doonaa.
23-kii bisha ogos 2015 maalin axad ah, ayaan u shaqo tagay Xarunta Dhaqanka Ee Hargaysa. Halkaas oo ballan aan kula lahaa agaasimaha xunta, Jaamac Muuse Jaamac. Abbaaro sagaalkii markii aan galay xafiiska ayaa la ii sheegay in maanta Burco safar loo tagayo, agaasimaha iyo dhowr qof oo kale oo xafiiska ah.
Aad ayaan u farxay, waxaa i gashay haddii ay ku suuro-gasho, maanta Burco soo arag. Burco oo in badan dhagahayga ka badatay, arageedunna ii dhiman yahay. Inkastoo annan hubin in fursad aan u helo kari iyo in kale, haddana rajo ayaa igu abuurantay. Muddo markii aan sugayay inaa la kulmo Jaamac, waxaan arkay isagii oo mashquulsan oo dadkii safarka u baxayay kala nidaaminaya.
Markii uu howshii iska dhammeeyay ayaan wada hadalnay. In yar markii aan wada hadlaynay ayay rajadii ii rumowday oo aan ka mid noqday dadka maanta safarka ku tagaya magaalada Burco. Waa aniga, saaxiibbaday Sahra Ladan, sawir qaade Ciise Muuse, adeero Jaamac Muuse Jaamac, Siciid Jaamac, Rashiid Cabdilaahi, oo loo yaqaanno Rashiid-gadhwayne, iyo Faarax Gammuute.
Intii aanan ka bixin xafiiska ayaan Sahra ladan oo ogayd inay tahay markii iigu horraysay ee aan safar Burco ah u baxo, ayaa i waysiiday su’aal ahayd; ”Farduuseey, maxaad ka aaminsantahay Burco?” Run ahaantii Burco waan maqli jiray dadkoo in badan hadal haya. Maan arag oo safarkaasaa iigu horreeya. Waxay ogtahay oo ay su’aasha ii waydiinaysaa inaan Burco wax kale aaminsanahay kaftanka iyo sheekooyinka lagaga sheekeeyo.
Waxaan ugu jawaabay wixii niyadayda ku jiray. Waxaan ku idhi; ”Burco waa magaalo ciid cas, guryuhu qadiimi yihiin oo walibana sakado dhaadheer u badanyihiin. Waa meel dadku bud iyo toorri wada sitaan. Waa meel dadka waawayn ku badan yihiin oo waxaan maqli jiray, Burco dhallinyadii baa ka tahriibtay. Waa meel in la kaftamayo iyo in la is maagayo aan la kala garanayn. Waa meel dadku si fudud isku dilaan. Ta ugu daran ee aan Burco ka aaminsana waxa ay ahayd, inay laba u kala qaybsantahay Burco; bari iyo galbeed!” Intaasi waa innahaan Burco ka aaminsanaa.
Imikaad soo arki ayay hadal ku gaabsatay Sahri. Cabbaar markii aannu sii fadhinay, laakin anigu farxad aad u wayni i hayso, waliba aan sugi kari la’yahay inta gawaadhida la fuulayo, ayaa naloo yeedhay oo dhinacii gawaadhida ayaanu u dhaqaaqnay. Salaaddii duhur iyo qadadii waxaanu ku beegayn huteel Kaah oo bariga magaalada Hargaysa kaga beegan. Halkaasna in muddo ah ayaanu joognay. Markaanu dhammaysanayna waanu dhaqaaqnay.
Dirawalka gaadhiga noo wadaa waa nin reer Burco ah, laakiin anigu ma ogi. Wuxuu ku war helay in ay maanta Burco igu horrayso. Wuxuu igula kaftamaya haddii aan Burco arko inaanan ka soo noqon doonin. Waa nin oday ah, wax balwad ah ma leh, waa nin kaftan yaqaan ah, sidoo kale fanka iyo suugaanta jecel. Mar aan ka sheekaysanay suugaanta Soomalida, wuxuu noo sheegay inuu heesaha qaraamiga ah aad u jecel yahay oo macno gaar ah u sameeyaan. Wuxuu noo sheegay ruwaayadihii ugu badnaa ee soomali tiyaatar ku dhigto inuu ka qayb galay oo uu safka hore kagga jiray. Sannadii 1977-kii wuxuu ahaa sannadkii ugu ruwaayad dhigista badnaa siduu isagu sheegay. Mar aan waydiiinay heesaha danbe ee hadda, wuxuu noo sheegay inaanu waligii dhagaysan. Intii aan dhexda sii soconnay wuxuu nooga sheekeeyay fanka iyo kaalinta uu ugu jiray ummadda Soomaliyeed oo ahaa laf dhabarta waci galinta ummadda iyo imika oo xaalkii oo dhan is baddaley. Wuxuu noo sheegay inuu fanka barigaa ahaa warka kaliya ee ay ku xidhiidhaan dadwaynuhu. Ruwaayad walba macno gaar ah xanbaarsanayd, farriinna gudbin jirtay.
”Hal sheeko oo kuwa iigu xiisaha badan ah ayaan uga sii sheekaynayaa inta aan Burco la gaadhin”. Sidaa waxa yidhi Ciise Muuse oo ah wiil sawir qaade ah. Ka soco ayaan ugu jawaabnay. Wuxuu yidhi; ”Berigii goobaha dadka maskaxda ka xanuunsaya lagu xanaaneeyo (Cilaajka) laga furay Burco, ayaa nin xanuunsaya oo reer Burco ah lagu yidhi, Hebaloow cilaaj baa maanta laga furay Burco. Wuu iska aamusay, saa haddana lagu celiyayay oo lagu celiyay. Mar saddexaadkii ayuu yidhi waar Burco ba way wada waalantahay e’, dayr uun maa loo xidho?!”
Halkaas marka ay marayso, fikirkii reer Burco aan ka qabay ayaa sii libinlaabmay! Inkastoo aan ogaa inaan ku raagayn magaalada, haddana xiise ayaa ii hayay inaan arko. Safar dheer oo illaa Burco ah ayaanu galnay, ka dib magaalooyinka ka sokeeya aanu ku sii nasananay, sida Barbara iyo Sheekh. Burco ayaan soo galnay, xaafaddii ugu horraysay ayaanu soo gaadhnay. Waa xaafadda ay deggan yihiin dadka soo baro-kacaysha (ID’s.) oo la yidhaa Koosaar.
Waa goor cadceedu sii dhacayso. Burco ayaan dhex marayaa, farxaddayda cid qiyaasi karta ma leh. Aad baan u faraxannahay. Daawashadii maaalada ayaan bilaabay. Waxa aannu u kacnay dhinacaa iyo huteelka la yidhaa Siti Balaasa (City plaza). Waxa aan arkayaa magaalo aad u qurux badan, fooqyo, daaro-dhaadheer, guryo daaro ah, tukaanno waawayn, laammiyo isku siman oo dhagaxan lahayn. Waa magaalo dhan oo dhisan waliba ifays. Cajiib!
Meelaha ishaydu ku dhacday waxaa ka mid ah, shirkadda biyiha ee Maaxda la yidhaa soo saarta oo aan biyaheeda aad u cabbo. Shirkada taydha, kaalimaha shiidaalka, fooqaq aad u bilcsan iyo magaalo wada ifaysa. Su’aal ayaan waydiiyay Sahra oo ila socotay. ”Sahra halkani ma bari baa mise waa galbeed?” Iima ay jawaabin!
Waxa aannu toos u tagnay huteelkii Balaasa oo martidda la dajinayay. Waa huteel aad u qurux badan, barxad balaadhan leh, dhirtua ku badan tahay. Halkaas waxaa nagu sugayay oo na soo dhaweeyay Maxamed Ibraahim Warsame (Hadrwaai), oo ah shaqsiga safarraka loo galey in xaalkiisa la ogaado oo la soo xog warsado. Alle ayaa mahadleh adeer Hadraawi oo indho caafimaad leh ayaa si diiran noo soo dhaweeyay.
Aniga iyo Sahra Ladan waxa aannu u kacnay dhinacaa iyo magaalada si aan u soo daawanno. Magaaladii ayaan dhowr meelood soo marnay. Waxa aan intaas eegayaa halka ay ku kala qaybsamaan bariga iyo galbeedka Burco oo aan islahaa calaamad ama wax kale oo lagu garto ayaa arki doontaa. Waan waayay dhowr jeerna dadkii ila socday waan waydiiyay.
Cawayskii waxa aannu la cawynay dhallinyaro ka socotay Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Halkaraan oo nagu soo dhawaysay aniga iyo Sahrla huteel ka mid ah huteelada ugu quruxda badan Burco oo la yidhaa Deero Hoteel. Dhallinyarodaas oo ah dhallin ka dhex muuqata bulshada Togdheer, marka ay noqto dhinaca horumarka, akhriska iyo qoraalka. Su’aashii ahayd halkayn aynu joognaa ma bari baa mise waa galbeed ayaan waydiiyay? Mid iiga jawaaba waan wayay. Waxay ii wada sheegeen in ay Burco tahay mid qudha.
Habeenkaas waxaa halkaa iiga baxay, in ay Burco mid qudha oo aad loo dacaayadeeyo, dhallinyarada Burcona tahay mid qudha, kuna midoobeey waxqabad, dedaal iyo daacad ay gobolkooda waxay ugu qabanayaan. Run ahaantii waa dhallin ku dayasho mudan. Waxa ay baddaleen sawirkii ahaa in ay Burco kala qaybsantahay, in ay dhallinyardu ka tahriibeen iyo inay Burco ka danbayso magaalooyinka kale ee Soomaaliland.
Burco waa magaalo koraysa oo aad kobaceedu u socdo; haddii ay noqoto dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca horumarka. Waxa ka jira naayidiyo akhiska iyo qoraalka dhiirrigaliay, ururro dhallinyaro oo u istaagay siday Burco u horumari lahayd. Dhinaca dowladduna ma ay yaraysan oo dhallinyaradaas garab iyo gaashan ayay ka helaan marka ay noqoto wixii karaan ah.
Shirkaddaha ayaa iyaguna dhallinyarada u heelan siday wax u qaban lahaayee oo dhalinyaradda u barbar istaagi lahaayeen. Waxaa kaloo iga baxay sawirkii aan Burco ka haystay ee ahaa midka qallooca.
Subaxnimadkii waxaa aannu u kicitinay dhinacaa iyo barriga Burco. Waxaa waftiga nagu wehelinayay Maxamuud Xaaji Ibraahim oo madaxa shirkadda telefoonada ee Telsom. Illaa dooxada Jaleelo oo uu beer ku lahaa, ayaanu bookhanay. Beer aad u wayn oo khudrad kala nooc-nooc ah ay ka baxday. Intastoo roob ku filan aanu sannadkan helin haddan dhulku abaar muu ahayn oo khudradii lagu beeray way ka baxday. Sidoo kale beerta hareeraheeda cows ayay lahayd oo geella iyo adhiguba qaadayay. Halkaas waxa ka socday mashruuca xoolo naaxinta ah. Tiro geel ah iyo adhi ayaa halkaa joogay. Isla markiiba caannihii geela ayaa naloo lisay oo gorof naloo buuxiyay, khurdariina waanu soo gurannay.
Abbaaro salaaddii duhur marka ay wax yar ka hadhsanatahay ayaanu magaalada dib ugu soo laabanay. Bookhaso gaaban ayaanu ugu tagnay urur dhallinyaro oo la yidhaa SOYVO. Wuxuu ka mid yahay ururrada Togdheer ugu wax qabadka badan ee ugu caasan. Mashruuc aad u ballaadhana gacanta ku hayo oo ah carruurta khatarka u nugul (Youth at Risk), waxayna carruurtaa u qabtaan, dhaqan celin, waxbarashada dadban iyo xirfad barid oo ay ka caawiyaan sida ay farasmada gacanta muddo sannad ah waxbarasho bilaash ah u siin lahaayeen.
Sidoo kale waxa aannu soo bookhanay, naadiga kaliya ee ka jira gobolka marka ay noqoto akhriksa iyo qoraal, ee bandhigga buugaagta iyo sugaanta. Waa naadiga Halkaraan. Waxa la aasaasay sannadii 2009-kii illaa maanatana si firfircoon oo dedaal badan ka muuqdo ayay u shaqeeyaan. Mudadaas ay jireen waxay soo bandhigeen buugaag ka badan 150 buug oo dalka lagu qoray. Waxaa kale oo ay leeyihiin rug akhrista u wayn oo ku taalla badhtanka magaalada.
Waxaa ka faa’iidaysta dhallinyarada jaamacadda, kuwa dugsiyada hoose-dhex iyo dhallinta akhriska xiisaysa. Kulankaas wuxuu ahaa mid xiiso leh, mid aqoon iyo waayo-aragnimo la wadaagay duco iyo dardaaran ku soo dhammaaday.
Gabogabadii waxa aan aad u bogaadinayaa dhallinyarada, waayeelka iyo wax-garadka Burco. Waxa ay muujiyeen wax qabad badan, horumar iyo wada shaqayn iyo isku-tashi. Haddii aad hore u maqli jirtay, Burco waa meelaha ugu tahriibka badan Somaliland, Burco waxay u qaysantahay laba oo waa bari iyo galbeed, hadda way tashatay oo aayaheedda ayay ka tashatay, dhallin lagu diirsado ayaa u kacday, waxqabadkiina maanta wuu ka muuqdaa.
Wa Billaaahi Towfiiq.
Farduus Maxamed Dheer