Burco: Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb-galay Munaasibad lagu shaaciyey Maktabadda Wareegta oo laga hirgelinayo

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland

Burco (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) oo socdaal shaqo ku jooga Gobolka Togdheer, ayaa maanta ka qayb galay Munaasabad Magaalada Burco loogu qabtay Maktabada wareegta oo la gaadhsiiyey Gobolkaasi.

Munaasabadan oo lagu qabtay Hotel Golis ee magaalada Burco ayaa wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland  Md Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) waxa uu soo dhoweeyey sida ay bulshadu ugu soo jeesatay dardargelinta hawlaha wax akhriska. Isagoo kula dardaarmay dadweynaha Gobolka Togdheer inay taageero u muujiyaan horumarka wax akhris ee ka socda gobolka iyo nasiibka ay u heleen Maktabadan wareegta.

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Md Cabdoo Axmed Aayir iyo Mayor-ka magaalada Burco Maxamuud Axmed xasan oo labadooduna kulankaasi ka hadlay ayaa ballanqaaday inay maamul ahaan bixinayaan dhulkii loo dhisi lahaa Maktabadaa wareegta.

Qorayaal reer Somaliland ah oo ay ka mid yahiin Jaamac Muuse Jaamac iyo Maxamuud Xaaji Ibraahin oo ka qayb galay kulanka maanta, ayaa iyaguna faahfaahin ka bixiyey faa’iidada ku jirta wax akhriska iyo kaydinta qoraalada.

Sida la ogyahay waa markii ugu horaysay ee Rugta wax akhriska wareegta ee Somaliland ay gaadho Gobolka Togdheer, iyadoo maalmahii tegayna xarumahii iyo shaqadii rugtaasi la gaadhsiiyey magaalada Boorame ee Xarunta G/Awdal, Magaalada Gabiley  Iyo Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil.

SLpost News/Hargeysa