Burco: Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta oo Go’aamo ka soo saartay Caweysyada Huteellada

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta ee Somaliland, ayaa go’aamo hor leh ka soo saartay caweysyada Huteelada magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kuwaas oo lagu amray inay joojiyaan dhammaan wixii ka hor imanaya shareecada Diinta Islaamka.

Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in laga bilaabo maalinta Jimcaha oo ku beegan 30-ka Bishan aan la ogolaan doonin Huteel ku yaala gudaha magaalada Burco lagu qabto xaflado ama isu-imaatin bulsho oo sabab u noqda is-dhexgalka ragga iyo dumarka oo ay ugu horreeyaan bandhig- faneedyadu.

War-saxaafadeed uu soo saaray Isu-duwaha Diinta iyo Awqaafta ee gobolka Togdheer, Keyse Xaaji Diiriye, waxa kale oo lagu sheegay inay dhaqan-galka go’aankan u xil-saareen guddi gaar ah oo la soconaysa cid kasta oo u hoggaansami weyda amarkan.

“Iyada oo ay muuqaneyso maalmahn xumaan ka socota Huteelada gudaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, qaar ka mid ah, xumaantaas oo ah is-dhexgalka ragra iyo haweenka, sida in la isla jaaso, ku faanidda mulkiilayaasha huteelada in ay tahay wax wanaagsan oo horumar ah.

  1. In horumar lagu sheego wax ALLE iyo Rasuul (CWS), inoo diideen waa ku dhiirasho denbi.
  2. Waddanku waa Muslim, Islaamnimadu qofka waxbay faraysaa, waxna waa ay ka reebaysaa.
  3. Dawladdu waxay Islaamnimada ilaalinteeda u samaysay Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta, dastuur; sida qodobka 5-aad oo tuuraya wixii Diinta ka soo horjeeda.

Sidaasi darteed, waxaa la faraya dhammaan huteelada magaalada Burco, laga bilaabo 30/7/2021, in ay joojiyaan dhammaan wixii ka hor imanaya shareecada Islaamka, waxaa aanu u samaynay dhaqan-galka amarkan cid daba gasha.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka uu soo saaray Isu-duwaha wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta ee gobolka Togdheer.