Burco: Tirada Meydadka lagu Aaso Xabaalaha oo Korodhay iyo Tuhunno lagu xiidhiidhay Covid-19 oo ka dhashay

 

Hargeysa (SLpost)- Tirada Dadka ku dhimanaya Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa korodhay Toddobaadyadii u dambeeyay, taas oo abuurtay shaki ah inuu magaalada ku faafay Cudurka Covid-19.

In kasta oo ilaa immika aanay jirin Dad la xaqiijiyey inay magaalada Burco ugu dhinteen Xannuunkan, haddana tirada dadka la xaqiijiyey ee laga helay Covid-19 ee magaladaas, ayaa maraysa 17 Qof oo laba ka mid ahi ka bogsadeen.

Ma jirto baadhitaan Guud oo hawl-wadeennada caafimaadku ka sameeyeen gobolka, balse dadka baadhitaanka lagu sameeyey oo iyagu Isku arkay ama isaga shakiyey astaamaha cudurka oo ay isku arkeen, ayaa tagay goobaha Caafimaadka ka hor intii aan la xaqiijiyein inay Cudurka laga helay iyo in laga waayey.

Haseyeeshee, tuhunka ka dhashay in cudurku ku faafay magaalada Burco, ayaa ka dhashay Xabaalaha magaalada Burco oo sidii hore dadka loogu Xabaali jiray si ka badan loogu aaso xilligan, sida lagu xaqiijiyey warbixin uu diyaariyey Weriye ka tirsan Telefishanka HCTV oo booqday xabaalaha magaaladaas.

Saleebaan Axmed oo ah Ninka diwaangeliya Dadka Geeriyooda ee Xabaalaha Burco oo u warramay  HCTV, waxa uu sheegay inay dhowrkii Maalmood ee u dambeeyay heleen dareenka ah in Dadka dhimanayaa kordheen.

“Intii aanu meesha joognay saddex Cisho ayaanu dareen helnay, kuwaasi oo ah Maalina Afar, Maalina Lix, Maalina Shan Qof, wakhtigii hore waxay Dadka dhintaa ahaayeen Hal ama laba,” ayuu yidhi Saleebaan.

Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Magaalada Burco oo telefishanku waxa ka weydiiyey, ayaa sheegay in la soo gaadhiiyey Qaylo-dhaanta Xabaalaha Burco ee ah in Dadka dhimanayaa ka bateen intii hore.

Tuhunka ka dhashay tirada korodhay ee meydadka lagu aasayo xabaalaha Burco, ayaa loo aanaynayaa Xanuunka dunida aadka ugu faafay ee Covid-19 oo Dhowr iyo toban kiis laga xaqiijiyey magaaladaas.

Tirada Guud ee dadka xannuunka laga helay Somaliland, ayaa maraysa 257 qof oo 28 ka mid ahi ka bogsadeen, halka 18 qofna u dhinteen cudurkan.

Halkan Hoose ka Daawo Warbixinta Telefishanka HCTV

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net