Burco: Munaasibad lagu Taageeray Murashaxnimada Aqoonyahan Maxamed Saleebaan Cumar oo Shaaciyey inuu taagan yahay Doorashada Golaha Wakiillada

maxamed slaeebaanBurco (SLpost)- Munaasibad si heersare loo agaasimahay oo maanta ku qabsoontay magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer, ayaa lagu shaaciyey murashaxnimada Aqoonyahan Maxamed Saleebaan Cumar oo u taagan inuu ka qayb-qaato Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee loo muddeeyey sannadkan badhtamaha sannadka dambe inay dalka ku qabsoonto.

Munaasibaddan oo maanta ku qabsoontay magaalada Burco isla markaana ay ka qayb-galeen Madax-dhaqameed, Wax-garad, Aqoonyahan, Dhalinyaro iyo Haween, ayaa Beesha uu ka soo jeedo Murashax Maxamed Saleebaan waxa ay kalsoonidooda ku siiyeen inuu noqdo Murashaxa kaliya ee beesha u metelaya isla markaana uga qayb-qaadanaya Doorashada Golaha Wakiillada, gaar ahaan u metelaya gobolka Togdheer.

Maxamed Saleebaan Cumar oo ah Suxufi ka tirsan Bahda Warbaahinta Somaliland isla markaana ah Aqoonyahan da’yr oo dhowaan soo dhammaystay Waxbarasho Heer Jaamacadeed MASTERS DEGREE ah oo uu dalka dibaddiisa ku soo qaatay, ayaa hadal uu ka jeediyey munaasibadda lagu taageeray murashaxnimadiisa ku sheegay inaanay taageeradiisu ku koobnayn deegaannada gobolka Togdheer, balse laga taageersan yahay isla markaana uu cod ka haysto gobollada kale ee dalka.

HALKAN KA DAAWO XAFLADDA LAGU SHAACIYEY MUNAASIBADDA