Burco: Culimada Togdheer oo Fatwo ka soo saaray Goobaha Cilaajyada iyo Go’aanka Maamulka Gobolka

 

Hargeysa (SLpost)- Culimada Gobolka Togdheer, ayaa soo saaray Fatwo ku saabsan sixitaanka khaladaad ka jira hannaanka ay u shaqeeyaan Xarumaha Dadka lagu Qur’aan saaro (Cilaaj-yada) ee ku yaala gobolka.

Fatwada culimadu soo saaraan oo ka shidaal-qaadanaysa baadhitaanno iyo u-kuurgelis dhinaca diinta oo ay ku sameeyeen nidaamka shaqo ee xarumaha Cilaajyada, waxa ay ku soo jeediyee in loo baahan yahay isbeddel sixitaan oo lagu sameeyo khaladaad diineed oo ay tilmaameen inay ku shaqeeyaan goobaha Cilaajyada.

Bayaanka culimada oo ka kooban siddeed Qodob oo ka hadlaya qaabka habboon ee Diinta Islaamku u jidaysay nidaamka loo maro Qur’aan saarista qofka bukaanka ah iyo qaladaad la sheegay inay ku jiraan hannaanka ay u shaqeeyaan goobaha Cilaajyadu, waxa ku saxeexan 11 Sheekh oo ka mid ah culimada gobolka Togdheer.

Dhinaca kale, Go’aan ka soo baxay xafiiska Maamulka Gobolka Togdheer oo taageeraya bayaanka culimada, ayaa lagu shaaciyey awaamiir lagu socodsiiyey goobaha Cilaajyadu inay ku dhaqmaan Fatwada sixitaanka ah ee Culimadu soo saartay.

Go’aanka maamulka Gobolka Togdheer ku taageeray Bayaanka Culimada

Fatwada Culimada Togdheer ka soo saareen Qaladaadka Diiniga ah ee ka jira Goobaha Cilaajyada

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net