Burco: Cisbitaalka Guud oo la ciir-ciiraya Dhaawacyada 68 Qof oo intooda badan xaaladdooda Caafimaad liidato

Burco (SLpost)- Shil-baabuur oo sababay dhaawacyada Konton Qof, ayaa maanta ka dhacay duleedka Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer, ka dib markii gaadhigii ay saarnaayeen nooca Waraadka loo yaqaano kula dhacay Jidka Woqooyi ka soo gala magaalada.

Dhammaan dadka ku dhaawacmay shilkan oo intooda badan xaaladdooda caafimaad liidato, marka laga yimaaddo toban qof oo dhaawacyo fudud soo gaadheen, ayaa la geeyey cusbitaalka Guud ee magaalada, halkaas oo baxnaaninayo caafimaadkooda, mana jiraan ilaa immika cid geeriyootay dhaawacyada shilkani sababay.

Burco: Cisbitaalka Guud oo la ciir-ciiraya Dhaawacyada 68 Qof oo intooda badan xaaladdooda Caafimaad liidatoGaadhiga Shilka sababay, ayaa la sheegay inuu ka tagay Tuulada Gidheys oo ku taala Woqooyiga magaalada Burco, waxa kale oo ku dhintay tobanaan neef oo xoolo ah oo gaadhiga saarnaa, halka hanta kale oo saarnayd oo isugu jiray Oonta Xoolaha, Caano iyo Agab kale ay halkaas ku burburey.

In kasta oo aanay jirin Dad ku dhintay Shilkan, haddana marka la eego tirada dadka ku dhaawacmay, waxa uu noqonayaa shilkii ugu khasaaraha badnaa ee inta la ogyahay ka dhacay magaalada Burco muddooyinkii u dambeeyey.

HALKAN KA DAAWO VIDEO