BURCO: Badhasaabkii ugu dambeeyey Maamulkii UDUB oo canaan u jeediyey madax-dhaqameedka Togdheer

Burco (SLpost)- Guddoomiyihii hore ee Gobolka Togdheer Xukuumaddii UDUB Jaamac Cabdilaahi Warsame (Biin) ayaa bulshada gobolkaas si weyn u dhaliilay kala qaybsanaanta Bulsho ee ku soo korodhay Gobolka.

Jaamac Cabdilaahi Warsame (Biin) ayaa Gobolka Togdheer badhasaab ka ahaa labadii sanadood ee ugu dambeeyay muddo xileedkii Xukuumaddii Rayaale, xiligaasoo Gobolku ahaa deegaamada ugu xaasaasisan ee loolankii doorashooyinka ee dalku soo maray isla markaana Xisbiga Kulmiye codadka badan ka helay.

jaamac biinJaamac Biin oo dorraad ka hadlayay saddex sanadood ka dib goobtii uu xilka ku wareejiyay oo ay ka dhacday Munaasibad uu xilka kula wareegayay Badhasaabkii afraad ee Gobolka Togdheer mudadii ay xukuumadda Kulmiye talada haysay, waxa uu canaan culus u soo jeediyay Madax-dhaqameedka iyo wax-garadka gobolka oo uu sheegay inay ka masuul yihiin mushkiladaha qabyaaladu ku hayso reer Burco.

“Kala qaybsanaanta iyo qabyaaladda waxa keenay Odayaasha waaweyn ee Warbaahinta la soo taagan hadii aanu Reer Burco nahay oo reer Hebel ka sii nahay, waxaasaa nalagu sameeyay ama Odayga weyn ee odhanaya inankaygiibaa shaqada lagaga soo eryay qabyaalad.”ayuu yidhi.

Mr Biin ayaa sidoo kale sheegay in Cuqaashu safka hore kaga jiraan dadka horseedka u ah kala-qaybsanaanta bulshada gobolka, “Cuqaashu kowbay ka yihiin dadka noocaas ah, waxaanan ku talin lahaa in caaqilka dambe ee hadal noocaasa warbaahinta la yimaada xasaanada laga qaado.”

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Halkan maalintii aan xilka ku wareejiyay ayaa Mikirifoon aan ku hadlo iigu dambeysay.”

Jaamac Cabdilaahi Biin, ayaa ugu dambeyn dadweynaha Reer Burco kula dardaarmay inay la shaqeeyaan maamulka cusub ee loo soo magacaabay, “Reer Burco waxaan ka codsanayaa inay Badhasaabka cusub ula shaqeeyaan sidii ay iila shaqayn jireen, haddii saddexdii ka horeeyay wax tawdeen,” ayuu yidhi Guddoomiyihii hore ee Gobolka Togdheer.

SOMALILANDPOST.NET