Burcad badeed Weerartay markab laga leeyahay Bangladesh

pakistan(Slpost)Kooxo Burcad badeed loo maleynaayo in ay Soomaali yihin ayaa weeraray markab uu ka babanayay calanka wadanka Bangladesh.

ship

Markabka la weerary ayaa lagu magacaaba MV Crystal Gold, waxaana la weeraray xilli uu marayay aaga xeebaha Karachi ee dalka Pakistan, wuxuuna kusii jeeday dalka Iraan oo uu u siday alaab.

Sarkaal ka tirsan laanta Gaadiidka Badda ee Bangladesh ayaa sheegay markabka la weerary galabnimadii jimcaha ee shalay ku beegnayd, balse uu ku guuleystay in uu ka baxsado Burcad badeedii ku soo qaaday weerarka.

Weli si rasmi ah uma cadda in ay yihin kooxda weerartay Soomaali iyadoo sanadihii hore kooxaha Burcad badeeda looga bartay in ay weeraro ka geystaan xeebo aad uga baxsan Soomaaliya iyo kuwa caalamiga.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland