Bulshada ku dhaqan Deegaanka MASALAHA ee Koonfurta Hargeysa oo Farriimo u Diray Dawladda Hoose iyo Madaxweyne SIILAANYO

Hargeysa (SLpost)- Wax-garadka Cuqaasha Odayaasha  xaafadda Masalaha iyo mulkiilaha dhul ku yaalla xaafadda Masalaha oo lagu muran san yahay ayaa sheegay in dhulkaasi aanu ahayn dhuil dan guud ah iyo meel ciidan leeyahay toona waxaanay soo ban dhigeen caddaymo ay u haystaan dhulka muranku ka taagan yahay qoyska iska leh iyadoo ay halkaa ka caddeeyeen dhamaan dadkii  ka hadlay in qoyska reer Cawalaash dhulkaasi uu yahay hantidooda gaarka ah isla markaana hore looga jaray dhukii danta guud ahaa.

aqaWaxaa kale oo ay intaa ku dareen dhamaantoodna caddeeyeen in dhulkii danta guud ahaa ee ku waajibay hoe looga jaray iyagoo baaqyona u  kala diray  Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumaddiisa iyo dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa oo ay ka dalbadeen in ay caddayso mulkiyadda dhulkaas oo ay sanad kasta cashuur sanadeedkiisa qaadato.

Waxaanay sidaa ku sheegeen shir jaraaid oo ay maanta ku qabteen Magaalada Hargeysa

Mulkiilaha Dhulka lagu muransan yahay ee Masalaha Axmed Yaasin Cali-Waash oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Aniga oo ah Axmed Muxumed Maxamed “Axmed Yaasin Cali-Waash”waxaan halkan ka caddeynayaa inuu dhulkani yahay dhul deegaana oo aan ku dhashay aniga iyo in iga waaweynba muddo dheerna aanu degenayn.Waxa kale oo aan halkan ka caddeynayaa dantii ee dhulkaasi “Masalaha” nalaga jaray, oo ay ugu horeyso Xerada Gaasamta, Garoonka, kana danbeysay dantii guud ee dawladan imika dalka ka talisa naga qaaday, isla markaana aan bixiyay Garoonka kubadda Cagta ee Masalaha oo cabirkiisu dhan yahay, 300 Mitir iyo 140 Mitir, oo ku saxeexan yihiin Duqii hore ee Caasimada Xuseen Maxamuud Jiciir, Iyo Taliyihii hore ee Ciidanka qaranka iyo Guddidi hore ee Golaha Deegaanka iyo Suldaanka Guud ee Reerka.Waxa kale oon caddeynayaa dantii guud ee uu Maayar Jiciir naga jaray  lagu daray dhismihii biriijkii labaad ee Caasimada ee taga Xaafada Biibsiga. Markii nalaga jaray dhulkii danta guud waxa na loo sameeyey sharciyadii dhulka”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Dhulkaasi waxa xoog ku seestay Ciidamada qaranka Somaliland oo Garoonkii Kubadda Cagta ee aan bixinay birihii qaar ka jaray, oo Telefiishanada iyo warbaahinta ka sheegay inay iyagu Garoonka kubadda Bixiyeen, dhukumenkii aan Garoonka ku bixiyayna waa kan oo aan ku wada saxeexanahay dhamaan masuuliyiinta oodhan, waxaana markhaati ka ahaa Suldaanka Guud Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir. Nimanka Dhulkayagaasi ku sheegaya dan guud waxaan leeyahay maaha dan guud, isla markaana ma jirto Guddi aan anigu u dirtay inay ii hadlaan oo xukuumadda la dooda,”

Maxamed Ibraahim Biixi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Wuxuunbaan anigu caddaynayaa markii aan ahaa guddoomiyaha gudigga xaafadda Masalaha waxaa jirtay in aanu dhul ka goynay danguud ah reer Cali waash Axmed ninkaa  la yidhaa  ee imika hadlayay ayaa lahaa saxeexa reer Calawaash ee dhulka laga goynayay  oo qoladan dhulka leh laga jaray dantii guud ah janankuna dhan ayuu ka saxeexay, waxaanu caddaynaynaa in sadex boqol oo mitir (300 MT) iyo boqol iyo afartan  mitir (140 MT)   in aanu ka goynay oo aanu  ugu talo galnay garoomo ciyaal kuwaasoo  aanu sadex u qaybinay uguna talo galnay yar yarka iyo waawaynka ayay isku dili jireen marka yar yarku ku ciyaarayaan ee waacaynku soo galo ayay isku dili jireen sidaa awgeed ayaanu sadex garoon uga dhignay waxaanan leeyahay  imikadan oo aan fursadan uga faa,iidaysanayaa in ay  wasaaradda ciyaaruhu garoonkan  la waregaan waayo iyagaa leh oo aanu u goynay waana meel ay dhalinyaradu u baahan tahay maanta waxaanan danta guud uga goynaya  waa garoomo ciyaareed markaa Wasaaradda Ciyaaruhu  hala wareegto garoomadan dhulaana waxaanu ka jarnay oo aan mar labaad caddaynayaa in aanu ka jarnay ninkaa Axmed la yidhaahdo iyo qoyskooga.”

Waxaa kale, oo isna halkaa ka hadlay Cumar Weli Raabbi waxaanu sheegay in dhulkaasi aanu ahayn dhul ay ciidanku leeyihiin waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Waxaan ka hadlayaa dhulkaa  Masalaha ee  maalmahan buuqa badani ka taagan yahay waxaanan caddaynayaa in aanu dhulkaasi ahayn dhul ciidan maaha caddaymaheedii iyo  sharciyadeedii halkanaa lagu hayaa dhul dan guud ahna maaha waa dhul dad reer Somaliland ah u sharciyaysan  halkanaan ku hayaa dhulkii danta guud ahaa ee laga jaray iyo raggii saxeexay iyo masuuliyiintii bixisay  garoonka ciyaaruhu sida uu sheegay muwaadinka iga horreeyay waa 300 oo mitir (300)iyo boqol iyo afartan mitir  (140 mitir) waxaana ku saxeexan Maayerkii hore ee caasimadda Hargeysa Xuseen Maxamuud Jiciir  waxaa kale oo ku saxeexan suldaanka guud ee beelaha Somaliand Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxaa kale oo ku saxeexan ninka dhulka bixiyay Axmed Muxumed Maxamed waxaa kale oo ku saxeexan waxaa kale oo ku saxeexan guddoomiyihii xilligaa ee xaafadda Masalaha oo ahaa Maxamed Ibraahin Biixi waxaa kale oo ku saxeexan janankii ciidanka Qaranka ee xilligaa Nuux Ismaaciil  Taani waxaa kale oo ku saxeexan  Cabdiqaadir bedel ducaale oo gudiga ka mid ah  Cabdinuur Ismaaciil Cabdilaahi oo guddiga ka mid ah dhulka intaa ka soo hadhay waxaa loo sharciyeeyay muwaadiniintan oo haysta sharciyadoodii maamkii dawladda hoosena waa kan dhulkaasina maaha dan guud dantii guudna horaa looga jaray  maamkii hawlaha guudna waa kaa dhulkana lagu caddeeyay nashqadayntiisa looguna diiwaan galiyay muwaadiniinta iska leh. Dhulkan nashqadaytii  dawladda hoose u samaysay ee lagu diiwaan galiyay ee ay dawladda hoose  cashuurta kaga qaado sanad kasta waa kuwaa cid kasta oo u baahanina way arki kartaa.

Markaa waxaanu leenahay haddaanu nahay dadka degan xaafada masalaha oo aanu caddaynaynaa in muwaadiniintaasi ay dhulkooda leeyihiin sifo sharci ahna ku leeyihiin wax kasta oo caddayn ah oo looga baahdana ay u haystaan markaa waxaanu xukuumada uga digaynaa in muwaadiniinta xaqooda xoog lagu qaato taasina  ma dhici karto cidna lama boobi karo, dawladda hoosena waxaanu  leenahay ha caddayso cidda ay u aqoonsan tahay ee ay u ogtahay kana qaado cashuur sanadeedka waxaana looga  baahan yahay dawladda hoose in ay kala caddayso in faylashani ay sax yihiin iyo in aanay sax ahayn. Waxaana loo baahan yahay in cid walba shaqadeeda loo  daayo oo laga waraysto Wasiiradu shaqo ayay leeyihiin ciidamadu shaqo ayay leeyihii dhulkana waxaa ku shaqo leh oo ay tahay in wax laga waydiiyo dawladda hoose,dawladda hoosena haddaanay dhulka ka war bixin karayn meesha ha iskaga tagto.”

Somalilandpost.net