Bulshada Ceerigaabo Oo Dhoolatus Taageero Ku Qaabilay Musharrax Cabdiraxmaan Cirro Iyo Ballamaha Uu U Qaaday

Ceerigaabo (SLpost)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ahna musharraxa Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ololaha doorashada kala qayb qaatay taageerayaashiisa gobolka Sanaag. Musharrax Cabdiraxmaan Cirro olole hadh iyo habeen ah kala qayb galay bulshada u riyaaqsan isbedelka uu hoggaaminayo. Musharraxa ayaa xilli hebeenimo ah degmada Huluul ee gobolka Sanaag iyo magaalada Laasdoomaare kaga qayb galay isu soo baxyo ay sameeyeen bulshada u heellan siyaasadda Waddani halkaas oo uu kala kulmay soo dhawayn iyo taageero laxaad leh.

unnamedMusharraxa oo xilli aroor hore ah ka baxay magaalada Ceel Afweyn waxa uu isu soo baxyo laxaad leh kula kulmay bulshada degaannada Kal Sheekh, Kalmac iyo Yufle halkaas oo uu bulshada ugaga mahadceliyay rabitaankooda isbedel doon, islamarkaana uu ballanqaaday in uu wax ka qaban doono baahiyahooda oo u badna waxbarashada, biyaha, caafimaadka iyo adeegyada aasaaska u ah nolosha. Musharrax Cirro ayaa intaas kadib u jahaystay caasimadda gobolka Sanaa gee Ceerigaabo waxaanu meel tobanaan Kilomitir galbeed ka xigta magaalada kaga horyimid kumanaan bulsho ah oo lugaynaysa iyo boqolaal gaadiidka kala duwan ah oo safaf ugu jira soo dhawayntiisa. Musharrax Cirro oo saaran gaadhi dusha ka bannaan oo ay hareero socdaan kumanaan taageerayaashiisa ah iyo boqolaal gaadiid ah  ayaa loo soo galbiyay dhinaca magaalada halkaas oo garoonka kubadda cagta ay soo camireen taageerayaasha xamaasadaysan ee u heellan isbedel lagu sameeyo hoggaanka dalka. Khudbadaha masuuliyiinta kala duwan ka sakaw waxay taageerayaasha liimiga ah la dhacsanaayeen fannaaniinta caanka ah ee xidigaha geeska oo heesaha xisbiga soo bandhigay.

unnamed (3)Maayarka magaalada Ceerigaabo ayaa musharrax Cabdiraxmaan Cirro u sheegay in bulshada gobolka Sanaag oo midaysan diyaar u tahay in ay doortaan xisbiga Waddani “Ceerigaabo ama Sanaag maaha afar qabiil ee waa 11 qabiil, 11-ka qabiilba 90% halkan ayay joogaan waxaanay diyaar u yihiin in ay codka ku siiyaan. Waxaan leeyahay Alle ha ka yeelo kii guulaysta, Alle ha kaa dhigo kii u abaal guda umadda halkaas taaggan ee ilaa xalay aan seexan. Waxa inoo ballan ah in aynu codka siinyo Waddani 13 November. Gobolka Sanaag wuu ka dambeeya dalka waxaana ka dambeysiiyay xisbiga talada haya iyo kii ka sii horeeyay iyo kii ka sii horeeyay, mana dhicin sida reer Sanaag diyaarka ugu yahay in ay codkooda ku siiyaan maanta ayay suuro geliyeen. Waxaan rajaynaya in ay xagga Alle ka helaan abaalkaas, dhinaca dawladda dhalanaysana ka helaan,” Sidaas ayuu yidhi mudane Ismaaciil Xaaji Nuur.

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo bulshada kula hadlay garoonka ayaa u mahadceliyay taageerayaashiisa farxad galiyay “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqaya shacabka gobolka gaar ahaana Ceerigaabo sida aan la qiyaasi Karin ee aad isugu soo baxdeen idinka oo midaysan, aad baad u mahadsan tihiin. Hore Ayaan u sheegay in Ceerigaabo mar hore codaysay, haddana waan ku celinaya. Himilada xisbiga Waddani waa in la helo shacbi midaysan oo wax walba u siman oo xuquuqda ka siman, derejada ka siman oo xilalka u siman. Himilada Kulmiye waa Jeegaan, Jeegaani miyay ina wada qaadda, anagu waxaanu ku bedelayna Jeegaanta midnimo,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

unnamed (6)Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in gobolka Sanaag yahay halka beelaha Somaliland ka tafiirmeen, islamarkaana uu yahay gobol balaadhan oo qani ku ah khayraad kala duwan laakiin, aan waxba laga qaban. Waxa uu sheegay“Gobolkan wuxuu Waddanka ka yahay 40%. Waa gobol leh khayraad fara badan; wuxuu leeyahay bad dheer, wuxuu leeyahay dekedo caan ah oo ay Xiis iyo Maydh ka mid yihiin. Waa gobol ku habboon ka faa’iidaysiga kalluumaysiga iyo khayraadka badda. Xisbiga Waddani waxa qorshaha ugu jira in laga faa’iidaysto khayraadka badda oo ay ka mid yihiin ka shaqaysiinta dekeddaha Maydh iyo Xiis. Gobolkani wuxuu leeyahay khayraad aynaan ka faa’iidaysan oo ah Loox gobolka Sanaag leeyahay. Markii u dambeysay ee aan Soomaaliya ka shaqaynayay looxa ugu badan ee laga samayn jiray Furniture-ka waxa laga keeni jiray gobolka Sanaag laakiin, Somaliland ahaan kamaynu faa’iidaysan waxaase xisbiga Waddani u qorshaysan in warshado looxa ah oo warqaddaha soo saara laga sameeyo gobolka Sanaag.” Sidaas ayuu yidhi musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi waxa uu sheegay in gobolka Sanaag ku haboon dhaqashada xoolaha uu samayn doono hab ku haboon oo looga faa’iidaysto manaafacaadka xoolaha sida hilibka iyo caanaha lana xannaanayn doono xoolaha nool oo dhaqaalaha muhiim u ah “Gobolkani waxa kale oo uu leeyahay Khayraadka Beeyada, beeyadu waxay ka mid tahay waxyaabaha dunida ugu qaalisan, Insha Allah Beeyada laga tahriibin maayo gobolkan ee warshadaha beeyada halkan ayaa laga samayn doona. Gobolkan wuxuu leeyahay macdan faro badan waxaa noo qorshaysan in laga faa’iidaysto macdantaas. Maaddaama gobolkani yahay ka ugu fog marka caasimadda loo eego waxa noo qorshaysan in madaarkii Ceerigaabo dib loo dhiso, haddii aynu madaarka helno waxaanu dhiiri gelin doona in xarunta dalxiiska Somaliland gobolka Sanaag noqoto haddii ay dunida iyo Somaliland gudaheedaba ka imanayaan dalxiiseyaashu. Waxa noo qorshaysan in aanu dhammaystirno Waddada Ceerigaabo ee qabyada ah ee halkii Xirsi kaga tagay taaggan. Waxaanu dhisi doona waddooyinka halbawleyaasha ah ee gobolka Sanaag u badan yahay,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo intaas raaciyay in uu wax ka qaban doono caafimaadka gobolka Sanaag, sidoo kalena wax ka qaban doono waxbarashada, biyaha iyo waxsoosaarka beeraha.

unnamed (7)Guddoomiyaha xisbiga Waddani waxa uu sheegay in xukumadda Kulmiye ku fashilantay wax ka qabashada sixir bararka laakiin, uu xisbigiisu hayo qorshe ku saabsan wax ka qabashada sixir bararka, islamarkaana awood buuxda la siin doono bandhiga dhexe. Waxa uu sheegay in qorshihiisu yahay in 15000 shaqo loo abuuri doono dhalinyarada Somaliland ee badaha isku guraysay intii Kulmiye xilka hayay.