Bukaan Jiifka Cusbitaalka Guud Oo Khaati Ka Jooga Hoonka Codka Dheer

Gaadiidka kala duwan ee Qaadka kasoo waarida dalka Itoobiya ee usoo qaada magaalooyinka Somaliland iyo gaadiidka waaweyn ee xamuulka qaada ayaa khatar weyn ku haya shacbiga marka la eego xawliga xawaaraha sare ee ay ku socdaan, kuwaas oo mararka qaarkood jidka Laamiga ah ee u dhexeeya Kalabaydh ee gobolka Gabiley ilaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay ku jiidhaan dad iyo xoolo.
kuwaas oo socodka xawaaraha ee ay ku socdaan gaadiidka qaadka lagu soo qaado marka ay magaalooyinka soo dhexgalaan aanay ciidanka nabadgalyada waddooyinka ee Somaliland xadidin socodkooda, isla markaana aanay ku kaantaroolin xawaaraha sare ee ay ku socdaan iyo xawilga ay magaalooyinku ku soo dhex galaan.

Gaadiidka jaadka kasoo qaada dalka Itoobiya oo iskugu jira gaadiid waaweyn iyo kuwo yaryar, oo badankoodu ay caasimada keenaan jaadkaasi, ayaa xawaare sare ka sokow ay dadweynaha Jiifa Waadhadhka Cusbitaalka guud ee Hargeysi ay dhib ku qabaan Hoon cod dheer, isla markaana soo mara Waddada Wadnaha ee hormarta Cusbitaalka guud ayaa waxa inta badan hoonkaasi ay tumayaan ku salala dadka bukaan jiifka cusbitaalka guud ee caasimada ku jira iyo gaar ahaan dadka xanuunka dhimarka qaba ee ku jira qaybra dhimarka ee Cusbitaalka guud.

Gaadiidka Jaadka soo qaada oo caasimada si xidhiidha usoo gala abaara 5:00 subaxnimo ilaa 7:00 habeenimo ayaa hoonkaasi ay tumayaan waxa u dhibaato weyn ku hayaa dadka bukaan jiifka iyo waliba dadka waaweyn ee dariiqa socda oo ka naxa, kuwaas oo xataa xilliyada habeenkii ee ay soo galaan magaalada gaadiidkaasi Jaadka sidaa aanay waxba ka badalin hoonka codka dheer ee ay ku shirabaan.

Mid ka mid ah dadka bukaan jiifk ah ee Cusbitaalka guud ee Hargeysa ku jira oo Haatuf uga xogwaramay dhibaatada ay ku hayaan hoonka ay ku shirabaan gaadiidka Jaadku, oo magaciisa layidhaahdo Cabdi Xasan Saban, isaga oo amuurtaa ka hadalayana, waxa uu yidhi “Walaal Hoonka gaadiidka Jaadku ay tumaan marka aan maqlo waan ka salalaa hurdada, sidaa darteed dhib weyn ayay nagu hayaan, oo labadi jid ee ay soo marayeen ayaa labada dhinac Cusbitaalka ka mara”

Dhinaca kale ciidanka nabadgalyada waddooyinka, ayaa kaantaroolkii ay ku samayn lahaayeen xawaaraha ay ku socdaan gaadiidkaasi Jaadka soo qaadaa iyo hoonka xad-dhaafk ah ee ay ku shirabeen ayaa kaga mashquulay nolol maalmeedka ay kaga maxaabsadaan gaadiidka kale ee jidadka caasimada dhex maraya, kuwaas oo ay ahayd in gaadiidka Jaadka sida ay u xadidaan socod qabow inay ku mari karaan magaalada gudaheeda, islamarkaana hoonkana ka mamnuuci lahaayeen xilliyada habeenkii.

Xigasho: Haatuf