Buhoodle: Ruqe Ninkii Lahaa Dabada Hayo. Maxamed Saleban Ali

Iyadoo aynu la soconay beryahan danbe xaalada magaalada buuhoodle oo ay ka jirtay xaalad uu abuuray siyaasi ka rajo dhigay mustaqbalkiisa isla markaana usoo biyaystay inuu baabi,iyo nolosha dadkiisa oo marka horeba ka dib dhacay horumarka nolosha sababo badan awgood .

Sida aynu wada ogsoonahay wasiirka caafimaadka somaliland Saleebaan Ciise Axmed oo maalmihii u danbeeyay safar shaqo ku joogay magaalada Buuhoodle isagoo si waafi ah oo ku qotonta nabad iyo wanaag ula tacaalayay xaalada uu ka abuuray siyaasigan Cali Khaliif kaasoo ku talogalay inuu dab ku furo maatida iyo shacabka reer buuhoodle.

Wasiir Xaglotoosiye oo loo tiriyo inuu yahay shaqsigii ugu horreeyay ee guul siyaasadeed ka keena Buuhoodle oo in badan ku dadaalay inuu si nabada Cali Khaliif uga saaro Buuhoodle ayaa waxaa dadaaladiisa la sheegayaa inay caqabado ku yihiin masuuliyiin sarsare oo ka tirsan xukuumadda somaliland kuwaasoo diiddan in buuhoodle loo helo xal waara isla markaana shacabka buuhoodle isu diwaan galiyaan doorashooyinka dalka oo codkoodu muuqdo,sababaha dahsoon ee ay masuuliyiintani sidan u yeelayaan ayaa ah iyagoo doonaya inay is xambaar ku yimaadaan maadaama aanay haysan kalsoonida bulshada Buuhoodle iyo deegaanada ay kasoo jeedaan.

Arrinta layaabka noqotay ee ugu danbaysay isla markaana bulshada Somaliland aadka ula yaabtay ilaa imikana la is waydiinayo sababta xukuumaddu uga aamustay ayaa ah markii la arkay badhasaabka gobolka Buuhoodle xukuumadda somaliland u magacawday oo magaciisa la yidhaahdo Cismaan Ciise oo inta uu tagay Buuhoodle lagusoo dhaweeyay guriga uu degenyahay ninka dagaal oogaha ah ee ku mamay dhiiga maatida ee Cali Khaliif isla marakaana waliba uu si toos ah shir jaraa,id ugu qabtay isla guriga Cali Khaliif masuulkan oo ku weeraray shirkiisa jaraa,id wasiirka kasbaday kalsoonida umadda buuhoodle iyo deegaanadda uu kasoo jeeddo iyo waliba kalsoonida shacbi waynaha Somaliland,isagoo badhasaabku wasiirka eedaymo aanu gayin usoo jeediyay kuna wargaliyay inuu ka baxo buuhoodle.

 Amuurtani waxay amakaag ku noqotay dadkii gobolka degenaa iyo guud ahaan shacbiga ku abtirsada Somaliland waxaana maalmihii u danbeeyay warbaahinta iyo mareegaha wararka lagu arkayay calaamatu su,aal wayn oo dul saaran badhasaabka buuhoodle,iyadoo la is waydiinayo cidda uu si rasmiya badhasaabkani ugu shaqaynayo.

Si kastaba ha ahaatee dadaalada uu wasiirka caafimaadka Somaliland ka wado gobolkan ayaa la filayaa inay si rasmiya u midho dhalaan iyadoo la eegayo in guulihii hore ee wasiir Xaglotoosiye kasoo hooyay goboladdan ee ahaa nabadaynta,horumarinta iyo walaalaynta shucuubta deegaanadaasi si la mid ah loo arko buuhoodle oo nabdoon isla markaana ka qayb galaya mashaariicda horumarinta iyo kor u qaadka adeegyada bulshada ee nolosha lagama maarmaanka u ah.

Sidoo kale waxaa u baahan in la ogaado isla markaana gacan la siiyo cid kasta oo si daacad ah uga hadlaysa qaddiyada buuhoodle isla markaana jecel horumarka dadka iyo deegaanada buuhoodle,sidoo kalena ay dawlada somaliland talaabo ka qaaddo cid kasta oo caqabad ku ah dadaalada lagu horumarinayo nabad waartana lagaga dhalinayo buuhoodle.

Maxamed Saleban Ali

Buuhoodle,Somaliland