Budhcad Xilkeedka Gobolka Saaxil oo Xeradii Labaad Ee Ciidanka Badda Iyo Ilaalada Xeebaha Baloodheeyay

Mujaahid Axmed Ibraahim (Wadne )  Oo Ka Waramaaya Khatarta Ay Leedahay Xeryaha Ciidamada Ee La Ibiiyay

‘Sidaynu Hore U Soo Sheegnay Waxay Budhcad Xilleedku Ku Tagri Faleen Xeraddii Ciidamada Ilaalada Iyo Difaaca Xeebaha Badda  Somaliland Ee Berbera.

Tani Waxay Noqonaysaa Xearadii Labaad Ee Ay Budhcad Xileedku Si Sharci Daro Ah U Lunsadeen , Muddo Kooban Kuna Taala Koonfurta Magaalada  Berbera , Jidka Burco Loo Maro Kaydka Biyaha , Magaceedana La Yidhaa (Lama-Galaay ) , Halka Xeradii Hore Ee La Lunsaday Ahayd (Xeradii Difaaca Cirka Ee Ciidamada Badda ).

 Xeradan Labaad Ee Lamagalaay Oo Ahayd Taliskii Guud Ee Ciidamada Badda Gobolada Waqooyi Ee Dawladii Hore Ee Somaliya .

 Xeradan Oo Ahayd Oo Ahayd Goob Istaraatijiya U Ah Ilaalada Xeebaha BERBERA Iyo Guud Ahaan  Somaliland .

 Xeradan Oo Ka Koobnayd Dhulbaaxad Wayn Oo Banaan Iyo Guryo  Taarna Ku Wareejisnaa , Taas Oo Maanta Guriyihii Mooyee Dhulkii Oo Dhan Ay Baloodheeyeen.

Haddaba Muhiimada Xerada Koowaad Waxa Ay  Difaac U Ahayd Dakada , Haamaha Iyo Gagada Diyaaradaha Oo Ay Cadawga Kaga Yimaada Dhinaca Bari Ama Waqooyi  Ee Xagga Badda .

Waxaa Dhex Mari jiray Kaybalo Waawayn Oo Ay Dawladii Ruushku Dhigtay Iskuna Xidhay Xerada Mayaag Oo Kaga Beegan Dhinac Galbeed Ee Badda Iyo Cisbitaalka Xooga Oo Kaga Beegan Koonfur Bari .  Halka Ay Galbeedkana Ay Jireen Xeryo Kale Oo Ay Ka Mid Yihiin Xeradii Gantaalaha Iyo Maygaag .

Haddaba Arintan Aadka U Muhiimka Ah  Waxay Tahay Shax Loogu Talogalay In Lagu Sugu Amaanka Dhan Kastaba Ee Dakada , Haamaha Shidaalka , Iyo Madaarka Berbera Iyo Guud Ahaanba Somaliland , Ayaa Gabi Ahaanba Meesha Ka Baxay Oo La Naafeeyay , Taas Oo Isla Mar Ahaantaasna Aanay Jirin Dhul Kale Oo Ay Ugu Talo Galeen Sugida Amaanka Dakada , Haamaha Iyo Madaarka , Oo Aanay Jirin Dhul Kale Oo Ba’naan Oo Lagu Difaaci Karo Mustaqbalka Dhaw Iyo Ka Fog Iyada Oo Maanta Maraysa Xaalada Magaalada Berbera  In guryihii Shubka Ahaa Ee Dabaqyada Hoose Lahaa In Si Badheedh Ah Loo Dumiyo Oo La Baloodheeyo Iyadoo Habayaraatee Aanay Jirin Wax Duruufo Ah Oo Ku Khasbaya Dhaqaale Raadin Moooyee , Boobka Iyo Ku Tagri Falida Waxaa Ka Masuul Ah Maamulka Dawlada Hoose Oo Uu Ugu Horeeyo Maayirka Iyo Xoghayaha Dawlada Hoose.

 

La Soco Qaybaha Kale