Budhcad-badeedda Soomaalida oo madax-furasho ku sii deysay 7 qof oo ka mid ah Shaqaalaha Markabka MV Albedo oo Weli Af-duuban

Dubai (SLpost)- Budhcad-badeedda Soomaalida ayaa sii daysay todobo shaqaale la socday Markab lagu magacaabo MV Albedo oo muddo laba sanno ah la haystay ka dib markii ay qaateen madax-furasho lacageed.

Shaqaalaha Markabka oo u dhashay dalka Pakistan ayaa qoysaskooda dib ula midoobay ka dib markii ay diyaarad ka raaceen magaalada Nairobi geysay magaalada Dubai halkaas oo maanta la saaray diyaarad u qaaddaay magaalada Karachi ee dalka Pakistan.

Ahmed Chinov oo qoysaska shaqaalaha la afduubay u xil-saareen wada-xaajoodka budhcad-badeedda, ayaa isaga oo warbaahinta kula hadlaya madaarka Dubai, waxa uu sheegay in labada maalmood hortood hawsha wada-xaajoodka budhcad-badeedda Soomaalida lagu soo gunaanaday deegaan ka tirsan dhulka Soomaalida oo aanu magacaabin.

“Waxa aanu bixinnay $1.1 milyan ka dibna waxa shaqaalaha loo duuliyey Nairobi oo ay diyaaradda ka soo raaceen,” ayuu yidhi Ahmed Chinov warbaahinta kula hadlayey madaarka magaalada Dubai.

“Waa markii ugu horreysay taariikhda budhcad-badeedda (marka loo eego budhcad-badeedda Somalia) ee heshiis lagu gaadho meel dhul ah, halka wada-xaajoodyadii hore budhcad-badeedda lagu siin-jiray iyaga oo ku sugan biyaha badda iyada oo doonyahooda loogu dul tuurayo,” ayuu raaciyey hadalkiisa.

Waxa uu sarkaalkani xusay in sii-deynta Markabka iyo shaqaalihiisa ay budhcad-badeeddu ku dalbatay lacag dhan $2.85 milyan, balse dalka Pakistan kula heshiisay inay bixiso $1.1 milyan, halka lacagta inteeda hadhay laga sugayo mulkiilaha Markabka oo u dhashay dalka Malaysia iyo dawladaha ay u dhasheen shaqaalaha weli ku jira gacanta budhcad-badeedda.

Isaga oo ka hadlaya tirada shaqaalaha markabka saarnaa ee weli gacanta ugu jira budhcad-badeedda, waxa uu yidhi, “Waxa weli markabka saaran 15 shaqaale. Sannadkii hore waxaanu in badan la hadalnay dawladaha ay khusayso, laakiin soo-deynta waxa dib u dhigay sababo kala duwan.”

Markabka MV Albedo ayay budhcad-badeedda Soomaalidu gacanka Cadmeed ka afduubeen November 2010 isaga oo ka soo goostay dekedda Jebel Ali ee Dubia wakhtigaas oo uu ku sii jeeday dekedda magaalada Mombasa ee Kenya, waxaanu siday alaabada dhismaha, waxaana la socday 22 shaqaale oo ay ku jiraan Kabtanka Markabka iyo lix oo Pakistan u dhashay – halka dhinaca kale ay saarnaayeen 7 Sri Lankan ah, 6 Bangaladheshi ah iyo Qof dalka Iran u dhashay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net