Budhacad Hubaysan Oo Boorama Maherad Xalay Weerar iyo Dhicitaan Isugu Daray

Borama(SLpost)-Weerar aan noociisa hore loogu arag Somaliland ayaa xalay ka dhacay magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal, ka dib markii ay rag hubaysani weerar ku qaadeen meherad  bakhaar iyo sarifle ah oo lagu magacaabo Muuse Caamir Company.

Weerarkan hubaysan waxa fuliyay lix nin oo afka soo duubtay kuwaas oo bakhaarka gudaha u galay islamarkaana la sheegay inay qaateen lacag badan oo bakhaarka taalay ka dib markii ay qoryo ku qabteen raggii bakhaarka joogay. Waxaana xarunta bakhaarka markii dambe u soo gurmaday ciidamo boolis ah oo ay rasaas isweydaarsadeeen shuftada weerarka soo qaaday oo la sheegay inay ka baxsadeen goobtii iyagoo qaatay gaadhi meel u sii taagnaa oo diyaar u ahaa.

Wararka ayaa sheegaya in rasaastu ay dhaawacday dad shacab ah oo ka ag-dhawaa bakhaarka.