Britain oo caawineysa qaxootiga Suuriya

 

Uk(Slpost)-Ra’iiwal Wasaaraha Britian, David Cameron ayaa waxaa uu sheegay in Britian ay dib u dajin siineyso kumyaal dheeraad ah oo mid ah qaxootiga wadanka Suuriya.

Mr. Cameron ayaa waxaa uu sheegay in qaxootigaasi laga soo qaadayo xeryada Qaramadda Midowbe ee ku yaala deegaanadda dariska la ah dalka Suuriya.

Waxuuna uu balan qaaday in uu xal mudada dheer ah loo raadinayo qalalaasaha qaxootiga.Ra’iisal Wasaaraha Britain oo ka hadlayay ka dib markii uu kulan kula yeeshay dhigiisa magaaladda Lisbon ee caasumadda u ah dalka Bortaqiisa ayaa waxaa uu sheegay in Britain ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii loo caawin lahaa dadka ku baro kacay colaadda Suuriya ee afarta sanadood socotay.

Waxaana la soo saari doonaa faafaahin dheeraad ah oo arrinta la xiriirta todobaadka soo socoda marka wadaxaajood lala yeeshay ururadda gobolka ka shaqeynaya.

BBC