Britain iyo France Oo Muhaarijiinta U Oggolaaday Dalalkooda

9861428D-97F9-49DD-919D-BC2EC0C6FCCE_w268_r1

 

EU(SLpost)-Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa sheegay in dalkiisu uu qaabili doono 24,000 kun qaxooti ah labada sano ee soo socda halka ra’iisul wasaaraha dalka Britain David Cameron uu sheegay in dalkiisu uu qaabili doono 20,000 oo qaxooti ah oo Siiriyaan ah oo ku jira xerooyin ku yaalla dalalka Turkiga, Jordan iyo Siiriya shanta sano ee soo socota isagoo sheegay in ahmiyada la siin doono carruurta iyo haweenka.  

Dalka Jarmalka ayaa sheegay in uu aqbali doono 800,000 oo kun oo qaxooti ah oo inta badan ah kuwa ka soo cararaya dagaallada iyo saboolnimada ka jirta dalalka ay ka soo jeedaan.