Britain: Ciidan u dhintay kulayl darteed xilli ay tababar qaadanayeen

Wales (SLpost)- Laba askari ayaa la sheegay inay u dhinteen kulayl darted xilli ay tababar ku qaadanayeen buuro ku yaal Wales, sida wasaaradda Gaashaandhiga sheegay.

Askartan oo ku jiray tababarkoodii caadiga ahaa ku dhintay shalay oo la sheegay inay ahayd maalintii ugu kululeyd deegaamadaa ayey ciidamadu sheegeen inay baadhitaan samaynayaan, afhayeen  u hadlay ayaa sheegay, “Wasaarada gaashaandhigu waxay kala shaqeynaysa abooliiska gaarka ah baadhitaanada dhimashadii labada askari xilli ay tababar ku jireen. Waana lala socodsiiyey qoysaskoodii geerida askartaa.

Shalay waxay ahayd maalintii ugu kululeyd deegaamo badan oo dalka ah, halka heer-kulku gaadhay  29.2C (84.5F).

brec620_1763870aMareegta ciidamada ayaa lagu sheegay in buuraha Brecon Beacons loo adeegsado tababarka ciidamada hawlaha khaaska looga baahan yahay qabashadooda.

Horaantii sannadkan, nin Captain ahaa oo Rob Carnegie la odhan jiray ayaa la arkay isagoo dhintay buuro baraf ah dushooda. Ninkaa ayaa la filayaa inuu ku dhacay halkaa xilli uu ka qeybqaadanayey socod hawleed 40 mile ahaa, buuro baraf ah, si loo xusho askarta xaaladaha khaaska ah.