BREAKING NEWS: Dawlada Maraykanka oo Shaacisay geerida Hoggaamiyihii Kooxda Al-Shabaab

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka, ayaa shaaca ka qaadday inuu geeriyooday Hoggaamiyihii Kooxda Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo isaga iyo saraakiil sar-sare oo kooxdaas ka tirsan lagu bartilmaameedsaday weerar diyaaradaha Maraykanku ku qaadeen habeenkii Isniinta ee todobaadkii hore.

Hoggaamiyaha Alshabaab
Hoggaamiyaha Alshabaab

Sidoo kale warka dhimashada Hoggamiyaha Kooxda Al-Shabaab waxa shaaciyey raysalwasaaraha Soomaaliya Cabdiweli oo sheegay in hoggaamiyihii kooxdaas ku geeriyooday weerar diyaaradaha Maraykanka ee aan duuliyaha lahayn ka fuliyeen gobolka Shabeellada Hoose ee dalkaas wakhti ay saraakiil sar-sare ee Al-Shabaab ka qayb-galayaan shir ay ku lahaayeen deegaan ka tirsan degmada Baraawe ee gobolkaas.

“Inaanu meesha ka saarno Godane waa guul weyn oo tusaale inoogu filan, waxaanay dhabar-jab ku tahay hawl-gallada Al-Shabaab,” sidaa waxa yidhi Afhayeen u hadlay wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka Adm. John Kirby. “Maraykanku waxa uu wada-shaqayn la leeyihiin saaxiibbadiisa iyo gaashaan-buurtiisa si looga hortago khatarta caalamka iyo gobolkaba ay ku hayaan kooxaha xag-jirka ah.”

Saraakiil ka tirsan ciidamada Ammaana Maraykanka, ayaa todobaadkii hore xaqiijiyey inay qaadeen weerar dhinaca cirka ah oo ay ku bartilmaameedsadeen hoggaamiyaha Al-Shabaab, haseyeeshee may shaacin in Axmed Cabdi Godane ku geeriyooday weerarkooda.

Warar laga helay ilo-wareedyo u dhuun-daloola kooxda Al-Shabaab, ayaa u xaqiijiyey wakaaladda Wararka ee AP in Godane ka mid yahay 11 ka tirsan saraakiisha sar-sare ee Al-Shabaab oo weerarkaas lagu dilay, waxaana la sheegay saraakiisha sare-sare ee wehelinayey Amiir Godane inay ka mid haayeen madaxii hawl-gelinta iyo laba sarkaal oo dhinaca dhaqaalaha iyo istaraatejiyadda milatariga u qaabilsanaa kooxda.

“Waa guul weyn,” sidaa waxa yidhi sarkaal ka tirsan milatariga dalka Maraykanka oo sheegay inay weerarkaa u adeegsadaan sagaal gantaal iyo bambooyinka meelaha fog laga hago oo lala bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen Saraakiisha Al-Shabaab.

Dawladda Maraykanka, ayaa sannadkii 2012 shaacisay abaalmarin $7 milyan oo dul-dhigay madaxa hoggaamiyihii kooxda Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane.

Axmed Cabdi Godane, ayaa hoggaaminta kooxda Al-Shabaab la wareegay sannadkii 2008 ka dib markii sidan oo kale diyaaradaha Maraykanku weerar ku bartilmaameedsadeen hoggaamiyihii ka horeeyey Aadan Xaashi Cayrow isaga oo ku sugnaa deegaan ka tirsan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

SOMALILANDPOST.NET