Brazil oo Markii Afraad ku Guulaysatay KOOBKA HORYAALLADA XULALKA QAARADAHA (Confederations Cup)

Hargeysa (SLpost Sports)- Xulka Marti galinaysa koobka Aduunka 2014, Isla markaana gurigeeda uu ka qabsoomay koobka Convederations cup ee Brazil ayaa siday doonto ugu galgalatay xulka sanadihii u dambeeyey awooda is bidiyayay ee Spain, ciyaartii gunaanadka oo ay isku halleeleen garoonka Maracana ee wadanka koonfurta qaarada America ku yaala ee Brazil.

Xulka qaranka Brazil ayaa 3-0 ugu awood sheegtay Spain oo xallay ahayd xul ka daciifsan  xulkii Spain ee hore loo yaqaanay, wallow difaacyahan Gerard Pique la siiyey kaadhka casaanka ah, marnabase arintaasi marmar siinyo uma noqon karto guuldaradii xallay.

Walow aanay cid la sheegaa ka maqnayn Spain marka laga reebo  10 kii ciyaaryahan ee ay ku ciyaarayeen 25-kii daqiiqo ee u dambeeyey, hadana waxa Si kasta u gacan saraysay kooxda Martida loogu ahaa wadankeeda ee Brazil oo u muuqatay mid ay u fududahay hanashada koobka ay kula hirdamaysa kooxda haysata koobka Aduunka ee Spain.

Brazil_Confederations cupMa soo bandhigin ciyaartii ugu quruxda badnayd kubada cagta aduunka, laakiin waxay u ciyaareen sidii ugu fiicnayd intii tartankan koobka Confederations ka loo yaqaano socday , taas oo ay Spain u weyday awood ay kaga jawaab celiso diiqada la galliyey, una suuroobi weyday inay iska dhaaf inay kubadihii dhiib oo dhaqaaqda ahaa ee ay caanka ku ahaayeen xulkan u badan naadiga Barcelona isticmaalaane, waxaaba u suuroobi weyday inay laba kubada isla haleelaan.

Daqiiqadii ugu horeysayba shabaqa Spain waxa laga dareemay ruxanka kubad uu isago dhulka yaala Gannay xidiga afka hore ee Fred. Naimar oo xidiga ciyaarta xallay ahaana wuxuu raaciyey gool uu isaga uuni ka soo shaqeeyey, kubad la yaab lehna daba marshay Gool haye Casilas, qaybtii horena looma dhaafin intaas, waxaana lagu kala nastay 2-0 ay Brazil ku hogaaminaysay kulanka.

Qaybtii dambe ee ciyaartana sidaadii la isugu soo laabtay, kooxda Brazil waxay si dhaqso u raacisay goolkii  3 aad oo uu cagtiisa ku dhaliyey xidiga afka hore , Fred oo xallay goolkii furitaanka iyo kii xidhitaankaba isagu lahaa.

Isku soo wada duuboo, xallay Spain waxaad moodaysay in ahayd koox khibrad ka korodhsanaysa  Brazil balse aan iyadu wax ciyaar ah shuqul ku lahayn, ciyaartiina waxay ku dhamaatay 3-0, sidaana waxa loogu caleemo saaray Xulka Brazil koobkii 3 aad oo xidhiidh ah ee Koobka Confederation Cup ee ay Hantiyaan.

sports@somalilandpost.net

Aidrous Sh. Omer