BORAMA: Magaaladii ugu horreysay ee laga bilaabay tiro-koobka Shacbiyadda laga doonayo urur kasta, Guddoomiyaha gudiga diiwaangelinta oo ka hadlay, Ururrada Guuleystay iyo kuwa Fashilmay

Hargeysa, 18 March, 2012 (SLpost)- Gudoomiyaha Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada, Mudane C.risaaq Jaamac Cumar “Ciyaale” iyo Wefti uu Hogaaminayo ayaa Maanta Hawlgal Xoogan oo madax taabasho ah laguna hubinayo in Ururada Siyaaasada ee Is diiwaangeliyay ay Gobolada ku leeyihiin Kun Qof oo haysta Kaadhka Aqoonsiga, waxay ka bilaabeen Magaalada Boorama.

Magaalada Boorama oo laga bilaabay hubinta shacbiyadda laga doonayo urur kasta, ayaa Maanta laga dareemayay Saxmad aad u badan kadib markii ay isugu yimaadeen Madaxda Shan iyo Tobanka Urur ee dhawaan isu diiwaangeliyay ka qayb qaadashada doorashada Golayaasha deegaanka oo ay weheliyaan Gudida Qaran ee diiwaangelinta Ururada siyaasada oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gudidaasi C.risaaq Jaamac Cumar “Ciyaale”,iyagoo hawl gal madax taabasho ah ka sameeyay Xafiisyada ay shan iyo tobankan urur ku leeyihiin Magaalada Boorama.

Warku waxa uu sheegayaa in Ururada siyaasadu ay Maanta ku tartamayeen sidii mid kastaaba uu dhiniciisa u buuxin lahaa inuu keeno Kunka Qof ee Aqoonsiga haysta ,waxaana dadweynaha Mgaalada Boorama ku dhaqan ay Maanta hortubnaayeen Xafiisyada Urur siyaasadeedyada ay taageersan yihiin.

Gudoomiyaha  Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka Mudane C.risaaq Jaamac Cumar “Ciyaale” oo markii hawl-galku dhamaaday u waramayay warbaahinta ayaa sheegay in marxaladii ay u socdeen ay si fiican uga soo dhamaatay magaalada Boorama waxaanu u mahad celiyay dhamaanba madaxdii iyo dadweynihii hawshaas ka qayb qaatay .

Gudoomiyaha oo la weydiiyay waxa ay ka yeelayaan ururada in ka badan kunkii qof ee laga rabay soo bandhigay ayaa si kooban ugu jawaabay “ka tiradaas dhaafa dee waa loo qorayaa oo wax wanaagsan ayuu qabtay”.

Mudane C.risaaq Ciyaale waxa uu xusay in hawl-galkooda ay Beri oo isniin ah ku xejin doonaan Magaalada Caasimada ah ee Hargaysa oo ah halka ay filayaan inay ug dad badan tahay.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka Mudane C.risaaq Jaamac Cumar “Ciyaale” waxa uu ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo Ururadii Buuxiyay Tirada Kunka Qof ee laga rabay, waxaanu sheegay in marka Shanta Gobol ee u soo hadhay ay hawlgalkan ka soo fuliyaan ay ka soo saari doonaan warbixin faahfaahsan .

Hasa yeeshee warar madax banaan ayaa noo xaqiijiyay in Ururka Wadani uu jebiyay rikoodhkii loogu talo galay waxaa kale oo iyana tiradaas buuxiyay Urur siyaasadeedyada Udhis,Badbaado,Umada, NDB, Nasiye warku waxa uu intaas ku darayaa in Ururada Damal, SSCD, Rays, Gurmad iyo Xaqsoor ay ka hooseeyeen tirada laga rabay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net