Borama: Khasaaraha ka dhashay Dab qabsaday Laba Kaalmood oo shidaal iyo maamulka degmada oo ka hadlay

Borama, 04 February, 2012 (SLpost)- Laba kaalmood oo kuwa Shiidaalka lagu iibiyo ah kuna yaala agagaarka dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Cabdiraxmaan ee Magaalada Boorama  ayaa ku shuf beelay galabta kadib markii uu dab xooggani qabsaday.

Dabkan oo aan si rasmi ah loo ogaan sababta uu ku dhashay ayaa labadan kaalmood qabsaday Saacadu markay ahayd 5:30pm kaas oo gaystay khasaare balaadhan oo dhinaca hantida ah iyo dhaawaacyo ka soo gaadhay dadkii ku jiray hawsha gurmadka bakhtiinta kaalmahan waxaanu weriyuhu intaasi ku daray in la waayay awood lagu bakhtiiyo.

Maayarka Magaalada Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile ayaa sheegay in qayb kooban oo ka mid ah Labadan Kaalmood ay bakhtiiyeen, Maayarku waxa uu xusay iyagoo ka faa’iidaysanaya khataraha dabka ka dhalan kara ay qorshaha ku darsanayaan sidi ay u soo iibsan lahaayeen gaadhi Dam-Damis ah si wax looga qabto ayuu yidhi Masiibooyinka noocan oo kale ah waxa uu maayarku intaas ku daray inay hawsha damdamiskan la kaashan doonaan Xukuumada dhexe .

Cabdiraxmaan Shide Bile waxa uu xusay inaanu wakhtigan sheegi Karin Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkan qabsaday labadan Kaalmood maadaama aanay haynin qiyaasta hantida ku shuf beeshay labadaas kaalmood .

Taliyaha Qaybta booliska ee Gobolka Awdal Cabdi Bare “Araweelo” ayaa ka mid ahaa dadkii dhaawaca fududi ka soo gaadhay intii ay socotay hawsha bakhtiinta Kaalmahan.

Sannadkii 2003-dii ayay ku beegnayd markii uu dab qabsaday mid ka mid ah labadan Kaalmood kaas oo khasaare maaliyadeed geystay.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net