BORAMA: Aqoonyahan Samatar oo Kulamo Albaabadu u Xidhnaayeen la Yeeshay Ururrada Bulshada gobolka Awdal iyo nuxurka waxyaabihii lagaga wada-hadlay

Borama (SLpost)- Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar ayaa kulano xidhiidh ah oo gabigoodaba saxaafadu dibad joog ka ahayd la yeedhay Naadiga Akhriska ee Maskaxmaal Ururka TOL iyo Ururka ARDAA, kulanadan oo qaatay saacado dhaadheer ayaa waxa kale oo ka qayb galay xubnaha ururradaas hormarinta bulshada reer Awdal, waxana ay wararku sheegayaan in kulanadaasi intii ay socdeen ay Prof. Samatar iyo bahdii hormarka eek ala duwanayd ee la shirtay ay is waydaarsadeen xogo dheeraad ah oo ku aadan hormarinta dhinacada kala duwan ee Aqoonta, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo hilitaanka hogaan midaysan oo danaha dadka reer Awdal u adeega.

Samater-11Goobjoogayaal ka qayb galay kulamadan ayaa shabakada uga waramay waxa uu ay ka wada hadleen Prof. Samatar iyo qaybahan uu la kulmay waxana ay sheegeen in kulankii uu la yeedhay Prof. Samatar Madasha Akhriska Maskaxmaal la isla soo qaaday kaalinta dhilinyarada reer Awdal ee dhinaca hormarka, waxana hoosta laga xariiqay oo looga waramay Prof. Samatar duruufaha ku gadaaman dhalinta reer Awdal oo lagu tilmaamay inay yihiin kuwa ugu badan ee ay ku habsatay shaqala’aanta ka jirta dalka sidoo kalena ay sahay u noqotay dhalinta reer Awdal mashaqada tahriibta oo wali xal iyo xakame loo la’yahay.

Sidoo kale waxay goobjoogayaashu intaasi ku dareen in Prof. Samatar uu sheegay inay jiraan  duruufo guud oo ay dhalinta reer Awdal la wadaagaan dhalinyarada Somaliland, waxana uu hoosta ka xariiqay in la ogsoon yahay in dhalinta reer Awdal ay yihiin kuwo dhinaca akhlaaqda iyo aqoontaba ka dhisan oo hormar keeni kari, balse loo baahan yahay inay dadaalkooda ku daraan damac siyaasadeed oo ay kaga qayb qaadanayaan saaxada siyaasada ee dalka oo uu xusay inay tahay mida salka u ah hormarka la raadinayo ee dalka ka hana qaadi kara”

Dhinaca kale waxa ay goobjoogayaal warbixin xadidan ka baxiyay kulankii ay wada yeesheen Prof. Samatar iyo xubnaha Ururka TOL ay sheegeen in muhiimada kulankan lagaga wada hadlay ay ahayd in ficil loo rogo hiigsiga ururka TOL ee ku aaddan dhinaca hogaan isbedel horseeda oo ay yeeshaan dadka reer Awdal, waxaana ay wararku intaasi ku dareen in magacii ururka ee ahaa TOL Leadership Council loo bedelay TOL Consultative Council.

Sidoo kale kulankii uu la yeeshay Prof. Samatar hoggaanka Ururka ARDAA ee ku hawlan dhismaha dekeda Lughaya ayaa waxa ay ilo wareedadu sheegayaan in la isla soo qaaday in talaabooyinka ilaa hada la qaaday ee lagu dhisayo dekeda Lughaya la balaadhiyo lagana dhigo kuwo si balaadhan u wada gaadha dhamaan daneeyayaasha kala duwan ee dekedaasi kaluumaysiga ee Lughaya, kuwaas oo ku kala nool dunida dacaladeeda, xukuumada Somaliland-na ay ku jirto. Sidoo kale waxa la sheegay in kulankan la isku waydaarsaday xogo daahfuraya in himiladaas dhismaha dekeda Lughaya ay meel wanaagsan marayso.

Si kastaba ha ahaatee kulanadaas ay wada yeesheen Prof. Samatar iyo Ururada Hormarinta Bulshada reer Awdal ay ahaayeen kuwo ku dhamaaday is afgarad iyo jawi wanaagsan oo la isla meel dhigay in laga wada qayb qaato hiigsiga himilooyinka ku salaysan hormar balaadhan oo dhinaca kobcinta dhaqaalaha, ka qaybqaadashada siyaasada iyo helitaanka hogaan suuban oo danaha dadkan u adeega salka ku hayay.

SOMALILANDPOST.NET