Boqortooyada Sucuudiga oo Dalkeeda ka Mamnuucday Isticmaalka Sharaabka Firfircoonida Keena (ENERGY)

Riyad (SLpost)- Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta soo saaray sharci gebi ahaanba dalkaas lagaga mamnuucay iibinta iyo isticmaalka sharaabka firfircoonida keena (Energy), isla markaana aan lagu qaban karin wax xayeysiiskiisa ku saabsan.

Sida ay qoray jariiradda Alarabia oo soo xiganaysa Wakaaladda wararka ee Sucuudiga, tallaabadan ayaa la sheegay inay ka dambeysay ka dib markii Wasaarada Arrimaha Gudaha dalkaasi warbixin ka hadlaysa ‘halis uu keeno isticmaalka sharaabkaasi ku soo badhigay kulan ay maanta golaha wasiirrada dalkaasi ku yeesheen magaalada Riyadh.

energy_drinks_redbullGolaha wasiirada Sacuudiga ayaa ka dib go’aamiyey qodobo ay ka mid yihiin mamnuucida xayeysiiska sharaabka Firfircoonida ku abuura Jidka (Energy) in lagu iibiyo hudheelada cuntada, goobaha waxbarashada iyo caafimaadka.

Shirkadaha sameeya iyo kuwa ka ganacsada Sharaabkan, ayaa la faray inay ku qoraan daasadaha sharaabkan digniin sheegaysa in isticmaalkiisu uu halis yahay.

Dalka Maraykanka ayaa sidan oo kale Sharaabka noocan ah looga aqoonsaday mid waxyeello u geysta qofka Isticmaala ka dib markii gabadh da’deedu toban-jirka ka yar tahay si lama filaan u geeriyooday , iyada oo la sheegay in sharaabka Eenergy-gu oo ay isticmaashay uu sabab u ahaa geerideeda.

SOMALILANDPOST.NET