Boqorka Sucuudiga Oo Isbedel Ku Sameeyay Hanaanka Dhaxaltooyo Ee Boqortooyada

Riyaad, (SLP)- Boqorka dalka Sucuudiga ayaa isku shaandhayn ku sameeyay dawladdiisa. Sidoo kale waxa uu bedelay boqorku hanaanka la isku dhaxlo boqortooyada dalkaas.Saudi kingdom

Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa xilkii ka qaaday dhaxal sugaha dalkaas, isla markaana ah walaalkii Muqrin Bin Cabdulcasiis.

Boqor Salman Binu Cabdulcasiis ayaa xilka dhaxal sugaha u magacaabay Maxamed Bin Nayf Bin Cabdulcasiis, waxa uu sidoo kale ku-xigeenka dhaxal sugaha u magacaabay inanka uu isagu dhalay ee lagu magacaabo Maxamed Bin Salman.

Wasiirka arrimaha dibadda dalkaas ayaa loo magacaabay Caadil Al-jubayr oo aan ka tirsanayn qoyska boqortooyada, ka dib markii uu iscaslisay Sacuud Al-faysal.

Qaabkan uu boqorka cusub ee dalka Sucuudigu isugu bedelay hanaanka dhaxalka iyo dhismaha xukuumadda ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ee laga hirgeliyo dalkaas.

Somalilandpost.net