Boqolaal Qof Oo Reer Malawi Ah Oo Iskaga Haajiray Koonfur Afrika

Durban, (SLP)- In ka badan 600 oo ah muwaadiniin u dhashay dalka Malawi ayaa ka haajiray Koonfur Afrika, iyagoo dib ugu laabtay dalkoodii hooyo.Malawi

Waxaanay dadkaasi isku urursadeen meelo ay ka daganayeen Koonfur Afrika, si ay ugu laabtaan dalkooda, ka dib saddex todobaad oo ay gobollo Koonfur Afrika ka mid ah ay ka socdeen kacdoono isir-nacayb ah oo lagu bartilmaameedsanayo dadka ajinabiga ah ee u dhashay waddamada kale ee Afrika.

George Chilonga, oo ah ku-xigeenka guddoomiyaha guddida dadka reer Malawi ee degan Koonfur Afrika ayaa warbaahinta u sheegay inay 33 gaadhi oo nooca dadweynaha ah ay ku daad-gureeyeen dad ay kasoo qaadeen saddex kaam salaasaddii shalay.”Dibu celintani waa safarkii saddexaad ee aanu u samaynay dadka reer Malawi eek u noolaa Koonfur Afrika todobaadkan gudihiisa, waxaananu ku qiimaynay dadka hadhay ee aanu ku celinayno Malawi inay u baahan yihiin 30 baabuur oo kale oo nooca dadweynaha ah.”  ayuu Reuaters u sheegay Mr.Chilonga

Waxa kale oo uu tilmaamay Mr. Chilonga in dad ka badan 1,500 qof oo u dhashay dalka Malawi oo ku noolaa Koonfur Afrika ay Malawi ku noqdeen intii uu socday kacdoonka isir-nacaybka ahi.

Somalilandpost.net