BOORAME: Wasiir Garas Oo Ka Hadlay Wiil Yar Oo Gacanta Booliska Ku Baxay iyo Dareenka Weerarkii Ramaax

 

Boorama(SLpost)- Wasiir kuxigeenka wasaaradda ciyaaraha ayaa sheegay in wiil dhalin yaro ahi ku geeriyooday rasaas ka qaraxday Askari markii ay dhammaadeen ciyaartii shalay galab Boorama ku dhex martay gobolada Gabiley iyo Salal.

 

Wasiir xigeenka ayaa sidoo kale ka qayb galay aas qaran oo loo sameeyay Askartii ku dhimmatay difaaca weerarkii kooxda Wabar ku soo qaaday Badhasaab Ramaax, waxaana aaskooda ka qayb galay Wasiirro, xildhibaanno, Madaxda Gobolka iyo kuwa degmada, Salaadiin, culimo  iyo dadweyne aad u tiro badan.

 

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarrada iyo Ciyaaraha Somaliland Yuusuf Cismaan Garas oo ka mid ahaa masuuliyiinta aaskaas ka qeyb-galay, ayaa sheegay in labadaas askari ay dileen dad cadow ku ah qaranimadda Somaliland, waxaanu ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoysaskoodii iyo ciidammada Booliska iyo qaranka oo ay ka kala tirsanaayeen-na samir iyo iimaan ka siiyo.

 

Wasiirku waxa uu  intaa raaciyay in  guud ahaan magaalada Boorama waxgaradkeeda iyo dadweynaheeduba ay ka xumaadeen falkaa dhacay isla markaana ay bulshadda gobolku meel uga soo wada jeedo in dambiilayaashaas sharciga la mariyo.

 

Dhinaca kale Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha iyo dalxiiska ayaa tacsi u diray qoyska uu ka geeriyooday wiil dhalinyarro ah oo shalay markii Ciyaartii lagu ciyaarayay Boorame  ee garoonka laga dareeray ay ku dhacday xabad askari  ka qaraxday.

 

Mr. Yuusuf Cismaan Garas waxa oo shacbiga reer Boorame ku bogaadiyay siday ula shaqeynayaan ciidammadda ammaanka, waxaanu ku booriyay inay kaalin ka qaataan sidii gacan adag loogaga hor tagi lahaa cid kasta oo nabad-gelyadda iyo dawladnimadda Somaliland wax u dhimaysa.