Booqashada Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka ee Aw-Barkhadle iyo Qorshahooda wax-qabad

Kormeerka Agaasimaha

Hargeysa (SLpost)- Maareeyaha Hay’ada Wadooyinka Somaliland ee SRA Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa soo kormeeray Dooxa deegaanka Awbarkhadle oo dhinaca bari kaga beegan magaalada Hargeysa oo maalmihii u dambeeyay ay ku xanibnaayeen baabuur iyo dadweyne, ka dib daadad ay keeneen roobab mahiigaan ah oo da’ay.

Maareeyaha oo shalay kormeerkiisa ku tagey dooxa waxa uu sheegay inay u qorshaysan tahay hay’ad ahaan sidii ay  u samayn lahaayeen qaab looga gudbi karo inay gawaadhida iyo dadkuba ka gudbaan dooxa Aw-barkhadle. “Roobabkii waaweynaa ee inoo da’ay daadkii ay keeneen ayaa waxa ay xidheen Dooxani Aw Barkhadle waxana ilaa shalay aanu ka wadnay banayn aanu wadana halka dooxa ah kaga banaynanayciidii xidhay ee uu daadku keenay, runii anaga ka SRA ahaa Cagaftaydii way ciladaysan tahay, waxaanu u soo kiraysay Dooxani banaytiisa Cagaf taas oo aanu saacdo u xisaabi doono, waxa ay shaqa wadaysaa ilaa inta ay Nadiifinayso”.

Maareeyaha Ha’yada Wadooyinka oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu intaasi ku daray “ waxa ay dadku xinbnaayeen ilaa xalay, waxa hada baxaya oo aanu wadada u furnay  Gaadiidkii xalay soo istaagay, arinka Daadkani iyo ciida uu wato kolay hadaan xal waara loo hellin waligeen dhibtaasi way ina haysanaysaa oo waynu xanibnaanaynaa, anagu waxaanu soo qiimaynay sidii loo samayn lahaa Gidaar dhinaca biyuhu ka soo dhacayaa aanu ka samayno oo Biyaha Ciida ka reeba, imika daadkii ayaa socda oo arintaasi lama hirgalin karo, imika inta uu daadku socdana waxa laga maarmaan ah in aanu cagaftani ciida ku banayno ilaaa inta uu daadku socdo.” Ayuu yidhi Maareeyaha Hay’ada Wadooyinka Somaliland Md. Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan.