Booliska Sweden oo weeraray caasimadda labaad

Goteborg, (SLpost)- Ciidamada Amaanka dalka Sweden ayaa shaaca ka qaaday inay weerareen xafiis maamul oo uu leeyahay Masaajid ku yaala magaalada ugu wayn ee labaad ee dalkaas.

Sida lagu shaaciyay shabakada wararka AP, Afhayeen u hadlay Booliska oo lagu magacaabo Sirpa Franzen ayaa sheegtay weerarka ka dhanka ah Masaajidka Bellevue oo ku yaala magaalada Goteborg, kaasoo uu jideeyay Xeer-ilaaliye Agnetha Hilding Qvarnstrom, kaasoo madax u ah kooxda baadhitaanada ku samaynaya saddex nin oo loo xidhay weeraro ka dhan ah sannadguuradii tobnaad ee weeraradii Sept. 11 ee ka dhacay dalka Maraykanka.

Afhayeenku waxa uu ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo inuu weerarkaasi wax xidhiidh ah la leeyahay xadhiga saddexda nin, isla markaana wax sharraxaad dheeraad ah lagama bixinin.

Raggan la sheegay in la xidhay oo ay dhalashadooda hore ka soo kala jeedo Soomaali iyo Ciraaq, waxa ugu horayntii looga shakiyay inay qorshaynayeen weeraro argagixiso, hase ahaatee, waxa dembiyadii loo haystay ay markii dambe isu bedeleen diyaar-garaynta dilal qorshaysan.

Somalilandpost.net

SP News Desk

Contact@somalilandpost.net