Booliska Somaliland oo Raadinaya Haweenay Muuqaal Tacaddi ah ka duubtay Gabadh yar oo u shaqaynaysay

Ciidanka Booliska oo ku sugan Guriga Shilku ka dhacay

 

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa baadi-goobaya Haweenay Muuqaal ka duubtay, isla markaana Baraha Bulshada ku baahisay Gabadh yar oo u shaqaynaysay, taas oo illaa xalay Muuqaalkeedu aad ugu baahay baraha Bulshada.

Askar Booliska Somaliland ka tirsani, ayaa subaxnimadii Khamiista maanta tegay Guriga ay Haweenaydaasi ka deggantay Hargeysa, hase-yeeshee, kumay guulaysan inay ugu tagaan oo ay soo qabtaan Haweenaydaas, balse waxay wadaan hawlgal ay ku raadinayaan, si Cadaaladda loo horkeeno.

Ciidanka Booliska oo ku sugan Guriga Shilku ka dhacay

Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Filsan Xuseen Qaliif oo qayb ka ahayd hawlgalka lagu doonayo Haweenaydaas, ayaa Barteeda Faysbuugga ku qortay in Cadaaladda la horgeyn doono Gabadhaas.

Geesta kale, Xoghayaha arrimaha Bulshada Xisbiga Waddani Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Siciid Maxamuud Gahayr oo ka mid ah Dad u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadamaha, ayaa Shir Jaraa’id oo ay gelinkii hore ee Khamiistii maanta ku qabteen Hargeysa ku sheegay inay Dacwad ka gudbiyeen Haweenaydaas, isla markaana Xeer-ilaalinta iyo Hay’adaha Xuquuqda Aadamaha u dooda u gudbiyeen dacwaddaas.