Booliska oo xalay joojiyey isu-socodka magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera

Hargeysa (SLpost)- Booliska Somaliland, ayaa xalay hakiyey isu socodka Gaadiidka magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera isaga goosho, ka dib markii Roobab waaweyn oo Xalay ka da’ay Hargeysa iyo Nawaaxigeeda ka dhasheen Daadad waaweyn oo buux-dhaafiyey Dooxyada jidkaas.

Sida ay ku soo warramayaan Weriyayaal Ogaal ka tirsan oo lagu joojiyey Dacar-budhuq, Qaybta Booliska Bariga Hargeysa, ayaa la sheegay inay  amar ku bixiyeen in Baabuurta dhinaca Berbera ka soo socda lagu joojiyo Kaantarroolka magaalada Dacar-budhuq ee Degmada Laas-geel, halka kuwa Caasimadda ka tagayana lagu joojiyey Kaantarroolka Bari ee Hargeysa, illaa inta ay gudhayaan ama yaraanayaan Daad badan oo Xalay marayey Dooxa Aw-Barkhadle, si loo badbaadiyo Dadka iyo gaadiidka ay wataanba. Sida ay Weriyayaasha Ogaal u sheegeen Ciidanka Ammaanka Degmada Laas-geel.

Baabuur tiro badan ayaa oo ka soo baxay dhinaca magaalada Berbera, ayaa Daadka jira awgood xalay ugu xannibnaa Kaantarroolka magaalada Dacar-budhuq ee Degmada Laas-geel, halka kuwa Berbera u baxayey ee dhinaca Caasimadda ka tagayeyna lagu xannibay Kaantarroolka dhinaca ee laga soo galo ama lago baxo ee Hargeysa.

Roobab Mahiigaan ah oo ku dhawaad saddex saacadood da’ayey ayaa ku hooray Hargeysa iyo nawaaxigeeda Xalay abbaaro lixdii fiidnimo, kaasoo da’ayey illaa sagaalkii habeennimo wakhti ku dhaw. Inkasta oo aanay dawladda Somaliland xaqiijin in wax khasaare ahi ka dhasheen Roobkaas, hadda waxa jira khasaare Guryaha Xaafadaha Hargeysa qaarkood la sheegay in waxyeello soo gaadhay, haddana weli rasmi looma oga xaddiga khasaaraha uu sababay Roobkaas oo Onkod badan iyo Dabaylba lahaa. Marka laga reebo Waddooyinka Caasimadda oo qaarkood ay burbur soo gaadhay.

Xigasho: Ogaal