Booliska Oo Hargeysa Ku Qabtay 72 Duub Oo Xashiishad Ah

Hargeysa(SLpost)-Taliyaha ciidanka booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa warbaahinta u sheegay inay qabteen xashiishka loo yaqaano Murjuwaana oo ka kooban 72 duub.

Xashiishadan oo lagu qabtay gaadhi yar oo nooca lagu raaxaysto ah iyo laba qof oo watay waxa uu taliyahu sheegay inay markiiba maxkamada horgeeyeen, isla markaasna ay qirteen nimankii sitay xashiishkaas. taliyahu waxa uu ku tilmaamay guul iyo hawlgal socon doono in waxyaabaha maandooriyaha ah la’la dagaalamo.

marijuana7

 

Taliye Fadal oo warbaahinta la hadlaayay waxa uu yidhi “Waxa ay ciidanka saldhiga Koodbuur ay ku guulaysteen 72 duub oo xashiishad ah nooceeda loo yaqaano Murjuwaana oo khatar ku ah diinteena iyo amnigeena, waxaan amaan u soo jeedinayaa ciidanka booliska saraakiisha iyo saraakiil ku xigeenadaba, waxa lagu qabtay gaadhi Nouha Ah oo lanbarkiisu yahay 49647,laba nin ayaa watay labadiiba maxkamada ayaa la horgeeyay isla shalay markii la qabtayba, waxaana laga qoray qiraal in falkaas ay faraha kula jireen oo iyaga lagu qabtay, waa guul ciidanka boolisku uu gaadhay mar hadii ay qabteen daroogada intaas leeg ee ubadka iyo dadkaba lagu xumayn lahaa, ma joogsanayso oo ciidanka boolisku waa ay wadayaan.”

Hargeysa Somaliland

Somalilandpost