Booliska Mexico oo Qabtay 6 Qof oo Soomaali ah

Mexico (SLPOST) Booliska dalka Mexico ayaa sheegay in ay qabteen ilaa 6 qof oo Soomaali kuwaas oo doonayay in ay si sharci darro ku galaan dalka Mareykanka.

mexicoPolice_1

Sarkaal ka tirsan Booliska ayaa xaqiijiye in lixdaan ruux laga qabtay gobol ku yaalla Koonfurta Mexico oo la yidhaahdo Chiapas una dhow xadka Mexcico ula wadaago dalka Guatemala.

Wuxuu intaas ku daray in ragga la qabtay ay ka baxsadeen muqalisiinta masuul ka ahaa oo ay lacag siiyeen si ay u geliyaan Mareykanka.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ku dhowaad 2,000-qof oo ajnabi ay qabteen bilihii lasoo dhaafay oo doonayay in ay si sharci darro ku galaan Mareykanka.

Mexico ayaa marin muhiim u ah dadka ajaaniibta ee doonaya in ay si sharci darro ku galaan Mareykanka.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland