Booliiska Somalia Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Dilay Walaashii

 

(SL.Post) Taliska ciidamada Booliiska ee degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu dilay gabadh isaga la dhalatay.

Ninka Booliiska gacanta ay ku hayaan ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay laga baadi-goobayay degmadda.

“Ninka waxaa walaashiisa uu ku dhex dilay beer ku taalla deegaanka Doonweyne, ciidanka hadda gacanta ayeey ku hayaan, waxaana la horgeyn doonaa sharciga.. sidaasi waxa yidhi Amiin Maxamed Cismaan, Taliyaha saldhigga Booliiska ee degmada Afgooye.

Gabadha ayaa la sheegay in lagu dilay Faash, sida ay sheegeen dadka deegaanka , waxaana ay u geeryootay dhaawacii soo gaadhay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay ka argagaxeen dilka gabadha, sida mid ka mid ah dadka ku nool degmadda Afgooye uu u sheegay Hiiraan Online oo aanu warkan ka soo xiganay.

Dilalka noocaan oo kala ah ayaa dhif iyo naadir ku ah dalka Soomaaliya, balse dhacdooyin kale oo naxdin leh ayaa laga soo wariyaa deegaanadda dalka Soomaaliya.

Somalilandpost.net