Booliiska New York oo joojiyey Basaasidii ay ku hayeen Muslimiinta

New York(SLPOST) Booliiska magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa shaaciyey in la xiray waaxdii u qaabilsaneyd dhanka basaasida jaaliyaddaha muslimiinta ku dhaqan magaaladaasi.

MuslimiintaNewYork

Booliiska New York ayaa horey ullahaa waax lagu magacaabo (Demographics Unit). Waaxdaasi oo ay ka shaqeyn jireen danbi baarayaal loo diri jiray goobaha ay isugu tagaan muslimiinta sida masaajidada iyo iskuulada.

Waaxdan kamid ah Booliiska New York ayey horey u cambaareeyeen hay’adaha xaquuqul insaanka oo ku tilmaamay fal hayb sooc ah in dad gaar ah ay bartilmaamsadaan hay’adaha amaanka ee magaalada New York

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland