Booliiska Kenya oo hub ka helay Mombasa

Kenya(SLpost)-Booliiska dalka Kenya ayaa magaalada xeebta ah ee Mombasa ee dalka Kenya ka helay kayd aad u ballaadhan oo hub ah.

160105105558_mombasa_arms_512x288_bbc

Booliiska, ayaa soo saaray sawirada afar qof oo laga shakisan yahay oo lagu eedeeyay in loo raadinayo sababo la xidhiidha hubkan la helay.

Qoryo, ayaa ka mid ah hubka iyo ilaa konton qasnadood oo rasaas ah, walxo qarxa iyo 11 telefoonada gacanta ah. Booliiska ayaa sheegay in dadka laga shakisan yahay ay ka tirsan yihiin kooxda Islaamiga ah ee al-Shabab.