Boobka Suugaanta iyo Booli-horseedka Cusub ee Nuur-Daalacay!

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Beryahaaba dhac ayaa tixaha ku socday… Qaar la dooriyo ciddii curisay, kuwo la isku qabsado, heeso la iska dabaqaado.. Anigoon ka hadlay xukunka dhegaysiga heesaha iyo waxa ay diintu ka qabto, dhawr iyo tobankii gu’ ee u dambeeyay waxa aynu maqlaynay fannaaniin ku luuqaysa heeso ay kuwo hore ay lahaayeen, taasna waxa ku dirqiyay sababo ay ka mid yihiin inay ku soo shaacbaxaan, noolaynta Sooyaalka hormoodkii hore ee fanka, Jacayl ay tixahaas u qabaan iyo ujeeddooyin kale.

Laakiin marnaba ma ay doorin jirin laxanka iyo luuqda ay heesahaasi leeyihiin… Dhawaan ayay ahayd markii aan maqlay maanso ama hees uu sameeyay Abwaanka Wey nee Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi” magaceedana la yidhaahdo Togdheer, oo uu dib u qaaday, laxan cusubna uu saaray Al-fannaan Nuur Daalacay..

Meerisyada tixdan waxa hore codkiisa ku qaaday Alle ha u naxariistee fannaankii caanka ahaa ee Muuse Ismaaciil Qalinle oo muddo ku dhaw labaatan sanno ka hor ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Innaga oo dhawaan soo bandhigi doonna codadka iyo luuqda ay labada fannaan ku kala qaadayaan hawraartan Togdheer, waxa uu garaadkaygu is-weydiinayaa misna aan jeclahay inaan Nuur Daalacay iyo bulshada la wadaago dhawrkan su’aalood eek ala ah:

1.      Maxaa sababay in hees hab-dhac iyo laxan lahayd loo dhalan-rogo hab-luuqeed cusub?

2.      Ma aasitaan lagu samaynayo qalanbaawigii hore ee qaadi jiraybaa?

3.      Duudsi iyo gef aan geedna loogu gabbaan miyaanu falkani ahayn?

4.      Inuu raalli-gelin ka bixiyo  tallaabadan gurracan ee Nuur hormoodka ka yahay miyaanay habboonayn?

5.      Qofka kaalintii dadka horreeyay daboolka saarayaa karaamo ma filayaa?

6.      Mise xalku waa in la isla tiigsado xeerka xatooyada xuquuqda fanka iyo farshaxanka (copyright) ayay noqonaysaa?

Waa maqaal wargelin u ah bulshadii moogganayd.. Ciddii hindise qalloocan hiyiga ku haysay waxa uu uga digayaa inay hawl leexsan ku kacaan.. Guul iyo gabbood-fal wixii uu sidaa waa dummaddayda… Alloow eex ma hadline aqoon ha igu cadaabin!

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

4428604

saedmgahair@hotmail.com