Boobe oo Joojinta Kiraynta Haamaha Ku Hanbalyeeyay Wakiilada, Kana Sheekeeyay Hawlgal Ay SNM Ku Qarxin Lahayd Haamaha Shidaalka oo Siilaanyo Baajiyay

 

Hargeysa’(SLpost)-Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Boobe Yuusuf Ducaale ayaa taageeray go’aankii ay wakiiladu ku laaleen kiraynta haamaha shidaalka ee qaranka, waxa uu Boobe si qoto dheer uga sheekeeyay haamaha shidaalka iyo madaxweyne Axmed Siilaanyo oo war buuran ka hayay waxa ay isla soo mareen wakhtigii Siyaad Bare talinayay iyo hawlgalo SNM ku qarxin lahayd oo uu baajiyay, isga oo isa su’aalay sababta maanta keentay in isaga oo dalka ka madaxweyne ah uu haamihii gacanta dawlada ka saaro.

waxa uu boobe oo warbaahinta la hadlaayay uu yidhi “Waxaan ku hanbalyaynaynaa golaha wakiilada ee laalay iibkii ama wareejintii haamaha shidaalka, aadbaad u mahadsantihiin alle haydin garansiiyo xilkiina, qolada wasiirada ah ee leh maanaan keeninba golaha hadii aad keentaan iyo hadii aydaan keeninba sidaas ayay u laalnaanaysaa.”

xoghayaha warfaafinta ee Waddani isga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi“arintani waxay i xasuusinaysaa sanadihii dulsaarka ahaa ee aanu joognay SNM, waa dabayaaqada 1990-kii meeshu waa Baligubadle, waxaanu ka soo baxnay shirkii madagweyn ee guurtida waxaanu u diyaar garoobaynay shirweynhii lixaad oo ka furmayay Baligubadle waa Axmed Maxamed Maxamuud oo maalintaasna gudoomiye ahaa imikana madaxweyne ahaa taanbuug yar oo uu seexan jiray inta uu ka soo baxay ayaa loo goglay ardaa yar oo ka soo horeeyay, quraacdii kadib sagaalkii ilaa sagaalkii iyo badhkii meelahaas iyada oo ah, ciidan halkaas maryay oo Ibraahin Dhagaweyne watay ayaa ayuu waraystay halkay ku socdaan iyo hawsha ay tagayaan, waxa loo sheegay inay tagayaan Berbera oo ay soo qarxinayaan haamahii shidaalka, anigu waligay haamaha shidaalka cilmibaadhis kumaan samayn,meelkamaan akhriyin oo maan aqoon, laakiin khudbad yar oo kooban oo maalintaas uu Axmed na siiyay ayaa ahayd sida ay ku samaysmeen haamaha shidaalku.”

waxa uu Boobe hadalkiisa ku soo gunaaday“waxa uu nooga sheekeeyay in haamihii ugu horeeyay ay ahaayeen kuwo yar yar oo gumaysigii Ingiriisku keenay, kuwii ku xigayna ay ahaayeen haamo ruushku sameeyay ama midawgii soofiyati isaga oo noo raaciyay inuu wasiirka ganacsiga ahaa oo wadahadalkii lagu samaynaayay haamahaasi ay 12 sano socdeen, waxa uu noo sheegay in Maraykanku uu dhisay qaybta sadexaad oo ahayd markii uu la wareegay garoonka iyo saldhigii malatariga ee ruushka oo ay qiimahaas ku fadhiyeen.Alle waa iiso joojiyay Axmed maalintaas hawlgalkiina sidaas ayuu ku baaqday, Axmed waxaan ka qabay inuu lexejeclo ka qaybay haamaha shidaalka dabeedna maanta ayaan maqlayaa isaga oo Soomaaliland madaxweyne ka ah oo la leeyahay haamihii shidaalka ayaa la iibinayaa, waxa aan ka mid ahay dadka aan labadaas isasaarin, arintu arin ganacsi maaha ee waa mid la xidhiidha amniga qawmiga ah ee dalkan, waa mid la xidhiidha siraha uu qarankani leeyahay.”

Somalilandpost

Hargeysa Somaliland